Wednesday, August 7, 2013

SL: Faroole oo la sheegay inuu ka Cadhooday Go’aamadii ka soo baxay shirkii Kampala iyo Xukuumadda Federaalka ah oo la gar-naqsanaysa


Muqdisho(GNA)-Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Eng. C/raxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow) ayaa si kulul uga jawaabay go'aanka Maamulka Puntland Xidhiidhka ugu jarayo dawladda Federaalka Soomaaliya, taasoo xalay lagu shaaciyay Qoraalka ka soo bxay Madaxtooyada Maamulka puntland.




Eng. C/raxmaan Yariisow oo wareysi siiyay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da Maanta oo Salaasa ah  ayaa sheegay inay dowladdu ka xun tahay, go'aankaas, isla markaana aanu aheyn mid Mas'uuliyadi  ku dheehan.

"Aad iyo aad ayay dowladda uga xun tahay warka noocaas ah, mana aha war mas'uul , mana aha war dhiira gelinaya midnimada umada Soomaaliyeed, anaga mar walba waxaa naga go'an dowladda in meel walba gaadho, shacabka loo adeego"ayuu yidhi Eng. Yariisow.

Afhayeenka Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in eedeyamaha ka soo yeedhay Puntland uu yahay kuwo aan sal iyo raad laheyn, isagoo tilmaamay in Puntland ay ka mid tahay dowladda Dhexe ee Soomaaliya, Baarlamaanka iyo Golaha Wasiirada oo xubin ka tahay.

"Waa eedeyn aan ku habooneyn dowladda, dowladda waxay ka kooban qeybaha bulshada soomaaliyed awood qeybsiga waa mid naga wada dhaxeya, Puntland dowladda dhexe ayaa loogu jiraa, golaha baarlamaanka loogu jiraa iyo Golaha wasiirada, Puntland waxaanu siinay si gaar tixgelin u siinay, wada shaqeynteeda diyaar waanu u nahay,waana sii joogteynaynaa, waxaan is leenahay wada jirkeena iyo midnimadeena umada dhan ayay dan u tahay"ayuu hadalkiisa raaciya.
Mar wax laga weydiiyay waxa ay qoonsadeen Puntland oo ahaa heshiiskii dowladda Soomaaliya la gashay shirkad ammaanka xeebaha qaabilsan waxa uu  sheegay in dowladdu waajib u leedahay inay shirkado dibadeed heshiis la gasho, isla markaana ay sharciyad buuxa u haysto, hase ahaatee wixii jira ay xalin karaan, Puntland-na ka wada hadli karaan.

Sidoo kale mar la weydiiyay eedeynta Puntland ee in wax laga bedelay Dastuurka waxa uu ku Jawaabay inaanay taasi sax aheyn, isagoo ku dooday inaanu garanayn sababta eedaha loogu jeedinayo dawlada.




 "Waxba lagama bedelin dastuurka markii hore waxaa mas'uuliyadeeda lahaa Saxiixayaashii, Puntland horseedka ka aheyd, Dastuurkana dib u eegis baa baarlamaanku ku sameynaya, Waa howl baarlamaanka hortaala eedaas nama qabato runtii"ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Eng. Yariisow.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay dawlada Federaalka ah ee somaliya inay ka baxday heshiisyadii lagu galay Gaal-kacayo sanadkii hore iyo inay ku tumatay sharciga iyo dastuurka waddanka, iyagoo go’aanka ay cilaaqaadka ugu jarayo Muqdisho ay arimahaasi ku sababeeyeen.




Waxaana dooda garoowe daba socotay hadal uu madaxweyne Cabdiraxmaan Faroole bishii hore ka jeediyay kulan lagu qabtay magaalada Muqdisho oo uu ku sheegay in maamulkiisu aad uga niyad xunyahay sida ay dawlada xasan sheikh wax u waddo.




Inkasta oo aanay ahayn markii ugu horaysay ee ay iska horyimaadaan labada dhinac hadana dadka ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa khilaafkan iminka waxay ka u sibir-saarayaan dhinacyo kala duwan oo ka baxsan inta Faroole ku doodayo.




Waxaana ugu weyn meesha sartu ka qudhuntay ee Madaxweyne Faroole ka diiray sida ay qabaan dadka arimahan ka faaloodaa, siyaasada lagu maamulayo Goboladda Jubbooyinka somaliya, gaar ahaan Magaalada kismaayo oo mid ka mid ah Maamuladii muranka dhaliyay ee laga sameeyay uu madaxa ku sitay Madaxweynaha Puntland.




Maamuladaasoo Faroole Taageersanaa Madaxweynenimada Jubaland  ee Sheikh Axmed Madoobe, ayaa lagu laalay jiritaankooda shirkii todobaadkan ka dhacay Magaalada Kampala ee dalka Yugaandha, kaasoo ay dawlada ku jira hawl-galka AMISOM iyo xukuumadda Xasan sheikh, ka soo saareen go’aan Maamulka Dekedda iyo Madaarka Kismaayo loogu wareejinayo Dawlada federaalka ah ee somaliya, isla markaana Maamul cusub loogu samaynayo Goboladda Jubboyinka.




Go’aankaasoo qayb ka ahaa qodobadii laga soo saaray shirka Kampala laba maalmood ka hor, ayaa meesha ka saaraya jiritaanka Maamul dhisan oo Jubaland leedahay iyo sheegashada Madaxweyneyaasha isbar-bar yaacaya ee fadhigoodu yahay magaalada kismaayo.




Waxaana cad in mawqifka dawlad Goboleedka Puntland ee xidhiidh u goynta dawlada Federaalku soo baxay maalin ka dib markii ay soo baxday natiijada shirka Kampala, taasoo marka la eego si aan mugdi ku jirin uga markhaati kacaysa aragtida Faaqidayaasha siyaasadda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com