Hargeysa(GNA)-Shirkadda xawilaadaha lacagta ee World Remitte ayaa ku dhawaaqday inay Macaamiisheeda dibada lacagta looga soo diro ku gaadhsiinayso Adeega ZAAD ee shirkadda isgaadhsiinta Telesom oo ay hore dadka gudaha jooga isugu diri jireen lacagta, isla markaana ahaa nidaamka loo yaqaano Mobile Money Transfer oo dunida laga isticmaalo, laakiinse sanado ka hor Telesom dalka ka hir-gelisay.
Fariin kooban oo lagu soo diray Telefoonada gacanta ee Shirkadda Telesom ayaa lagu shaaciyay inay World Remitte lacagta lagaga soo diro dibada dadka ku gaadhsiinayso Adeega Zaad, iyadoo Macaamiisheeda uga faa’idaynaysa inay si fudud lacagta isugu diri karaan ama isku gaadhsiin karaan Maalmaha kooban ee ka hadhay Munaasibada Ciida bisha Barakaysan ee Ramadaan.
“Xawaalada WOLRD Remit waxay ogaysiinaysaa in qofka dibada lacagta looga soo diro shirkaddu ugu gudbinayso Adeega ZAAD-ka, iyadoo dadka xaqal Ciidka dibada looga soo diro markiiba ZAAD loogu dirayo” sidaasi waxa lagu yidhi farinta ay shirkadda Telesom Macaamiisheeda u marisay Mobile-ka gacanta.
Arintan ayaa hadii ay suurto gasho dhinacyo badan ka saacidaysa dadka dibadaha looga soo diro lacagaha oo laga yaabo inay wakhtiyada qaar mudo dheer sugaan lacagta loo soo diro, inkasta oo sanadihii dambe adeega xawilaadaha lacagtu fiicnaa.
Adeega ZAAD-ka oo sanado kooban ka shaqaynayay Somaliland ayaa ah mid ay Bulshadu aad ugu raysay, isla markaana Maalin walba boqolaal kun oo qof dad gaadhaya oo Goboladda waddanka joogaa lacagaha isugu xawilaan, iyagoo isticmaalaya Mobile-kooda gacanta.
Waxaana hadii uu hada lacag soo xawilaada dibada la fal galo dad badan u sahlayaa inay wakhti aad u kooban lacagaha isu gaadhsiiyaan, siiba xiligan oo loo diyaar-garoobayo Munaasibadda Ciida.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com