Saturday, August 17, 2013

MO FARAH oo Biladii 3-aad ee Dahab ah ka qaatay Moscow, ka dib Markii uu ku Guulaystay Orodka 5000M+ Sawiro


Moscow(GNA)-Orodyahanka Caalamiga ah ee Mo Farah, ayaa heerka ugu sareeya ee qof Ingiriis ahi gaadho ka gaadhay Tartanka Ciyaaraha Fuduud ee ka socda Magaalada Moscow dalka Ruushka.




Mo Farah ayaa ku guulaystay Maanta tartanka Orodka 5000M, ka dib markii uu maanta Orday Masaafo dhan 5000m, waxaanu ku guulaystay biladii ugu qaalisanayd ee qof metelaya UK ka helo tartankaasi.




Bilada uu qaatay ayuu ku mataaneynayaa Biladihii Caalamiga ahaa ee uu hore u haystay.




Mo Farah ayaa ku orday 13 daqiiqo 27.98 ilbiriqsi, waxaana uu ka sarre maray Hagos Gebrhiwet oo Ethiopia ah iyo Isiah Kiplangat Koech oo Kenya ah kuwaasoo kaalinta labaad iyo seddexaad soo kala galay.




Orodyahankan ayaa taariikh cusub dhigay isagoo ka mid noqonaya ciyaaryahanada ciyaaraha fudud kuwa ugu guulaha badnaa taariikhda Britian ka dib markii uu sidoo kale labo bilad oo dahab ah ka qaatay ciyaarihii Olimbikada ee London ka dhacay sannadkii hore.




Waana biladii seddexaad ee dahab ah oo uu ka qaato tartanka ciyaaraha fudud ee adduunka. Waxaana biladihiisa dahabka ee orodka dheer ay ka dhigeysaa shan biladood oo dahab ah isagoo labo sanno ka hor ku guuleystay tartanka orodka 5ta kun mitir