Burco(GNA)-Dawlada Somaliya ayaa Walaac weyn ka muujisay go’aan ka soo baxay Madaxa guud ee Hay’ada Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF oo sheegaya inay joojinayaan hawl-galkii bina’aadanimada ee ay ka waday somaliya 15-kii sanadood ee ugu dambeeyay.
MSF, ayaa go’aankeeda ku sababaysay dhibaayooyin iyo cago-juglayn joogto ah oo ay shaqaalaheedu kala kulmeen somaliya tan iyo markii ay hawsha bilaabeen, hadase ay mawqif ku gaadheen inay so oaf-jaraan.
Qaar ka mid ah Shaqaalaheeda gar-gaarka ayaa sanadihii la soo dhaafay lagu qafaashay qaybo ka mid ah somaliya, gaar ahaan Goboladda Koonfurta.
Waxaana ugu dambeeyay laba dhawaan laga soo daayay Kooxo Somali ah oo muddo dheer ay gacanta ugu jireen.
Dawlada Somaliya ayaa sheegtay in talaabadani gacan siinayso kooxaha Xag-jirka ah ee dagaalka kula jirta dawlada somaliya.
Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliya Cabdiraxmaan Yiriisow oo saacado ka dib hadalka MSF, warbaahinta ka hadlay ayaa sheegay inay arintan aad uga xuntahay Muqdisho, uguna baaqay Hay’ada inay ka laabato go’aankaasi.
“ Dawlada Somali way ka xuntahay go’aanka MSF qaadatay, waxaanay u aragtaa mid aan loo baahnayn oo bina’aadanimada dhaawacaya, waxaanu gacan siinayaa Kooxaha Xag-jirka ah ee dhibaatada ka wada waddanka oo doonaya inay dadku macaluul u dhintaan, markaa waxaan u soo jeedinaynaa inay ka laabato oo aanay qaadan go’aankaa ka bixista somaliya”ayuu sheegay.
Hay’ada Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF, ayaa somaliya ka waday mashaariic muhiim ah oo dhinaca Caafimaadka u badan.
Waxaanay gacanta ku haysay Cisbitaalo badan oo ku yaala Magaalooyinka waaweyn ee somaliya , Puntland iyo Somaliland, kuwaasoo ay ka fulin jirtay Adeegyo caafimaad oo lagu tanaaday iyo shaqaalaha ka hawl-gala oo ay dhinaca Mushaharka ka caawin jirtay.
Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco ayaa ka mid ah xarumaha Caafimaad ee ay Hay’adu shaqada ugu weyn ka haysay dhanka Somaliland, kaasoo ay mudo dhawr sanadood ah maamulaysay.
Saraakiil ka tirsan Hawl-wadeenada Cisbitaalkaasi ayaa saaka Gobanimonews u xaqiijiyay in loo keenay Qoraal muujinaya inay Hay’adu soo gabagabeysay hawshii ay ka waday Cisbitaalkaasi, iyadoo ay maalmahan jireen hadal haymow soo baxayay oo la xidhiidha go’aankan.
Ma jiro ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay dhinaca dawlada, hase ahaatee warku wuxuu intaasi ku darayaa in isla maantaba Cisbitaalkaasi laga dareemay talaabada ay Hay’adu qaaday.
Qaar ka mid ah Dadka Bukaanka ah ee cisbitaalkaasi jiifa ayaa BBC-da u sheegay inaan saaka loo qaban adeegyadii caafimaad ee loogu fidin jiray halkaasi.
Cisbitaalka Burco ayaa dhaqaale ahaan iyo farsamo ahaanba si weyn ugu tiirsanaa MSF, sidaasi darteed hadii aanay xukuumadda Somaliland qaadin talaabo deg-deg ah oo ay ku buuxinayso kaalinta ay banaysay hay’adu, waxa lumaya adeegyadii bulshada Gobolku Cisbitaalkaasi ka heli jirtay oo si weyn looga haqab belay intii ay gacanta ku haysay.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com