Hay’adda wadaniga ah ee Kaaba Microfinance Institution oo muddo dhan 15 sanno ku shaqaynasay habka Maalgashiga ee islamiga iyo horumarintaa wadaanka , waxa ay dhamaan la socodsiinayaa Dhalinyarada ku nool magaalada Hargeysa in ay dib kuugu bilaabayso Wajigii labaad ee Deyn Bixinta Laptop-yada , Kuwaasi oo cusub oo casri ah .Laptops-ka deyn ahaanta lagu bixinayaa waxay kale yihiin
TOSHIBA
HP
ACCER
DELL
SUMSUNG
Shuruudaha looga baahanyahay ka qeybgalaha deyntani waxa weeyi :-
In uu yahay Arday dhigta Dugsi sare ama Jaamacada ama Dhameeyey ama dhigta dugsiyada farsmada gacanta ku jira am shaqeeya
In ay da,adiisu yahay / tahay 18 ilaa 30 jir ah .
In uu leeyahay Adress iyo Telefoon laga heli karo .
Waa inuu awoodi karaa inuu ku soo celin karo deyntaasi Muddada la isla garto ;
Waa inuu haysto damiinul-maal Ganacsade ganacsi muuqda leh ama Qof shaqeeya oo haysta kontaraag / Heshiis dhicistiisu ay ka hadhsan tahay ugu yaraan 6 bilood oo bixin kara deyntaasi hadii daynqaatuhu bixin waayo .
Inuu damiinulmaalkiisu diyaar u yahay inuu sexeexayo warqada heshiiska damiinimada ee nootaayada lagu sexeexayo .
In uu damiinul maalku diyaar u yahay in uu lix jeeg laga hayo oo ah bilwalba inta macmiilku bixinayo . jeegagaas oo taariikda dib loo dhigayo (back dated checks)oo kale ah Dahabshiil / Salaama Banks . marka macmiilku dhameeyo daynta jeegagiisa damiinka waa loo celinayaa.
In marka la gudoonsiinayo laptop yada uu si fiican uga bogto intaanu qaadan hubiyaana waayo hadduu qaado dib uma soo celin karo kombuyuutarka;.
In uu sugi karo muddo bil iyo badha oo ay ku xidhan tahay kolba inta hawshiisa loo dhamaystirayo ee lagu guddo jiro isla markaana marka ay hawshiisu dhamaato ee uu qaadanayo laptopka waa inuu bixiyo $ 50 USD horo marin ah, taasi oo ka sii goaysa dayntiisa bilaha ah .
Hadii macmiilku ku guuldaraysto ama la habsaamo lacagta kombuyuutarka ugu badnaan 5 cisho waxaa lagala xisaabtamayaa damiinulmaalka , isagaana laga dhalban donna deyn taas inu uu bixiyoo .
In uu dalban karo laptopska kor ku xusan oo kaliya .
In uu ogol yahay in sawir kur ah laga qaado iyo xogta kale ee looga baahdo
Hadaba cid alaale cidii danaynaysa in ay ka qayb gasho habkan amaahda islaamiga ah waxa laga doonayaa inay soo gudbiyaan warqad codsi ah oo uu ku xardhanyahay ciwaankiisu / ciwaankeedu iyagoo la xidhiidhaya Masuuliyiinta Hay’adda Wadaniga ah ee Kaaba Microfinance Institution ee u dhaxaysa Xarunta hore ee Turbataariyadda imikanaa na ah CID ga Somaliland iyo Dhakhtarka Lamahuraan Hospital . wixii faahfaahin ah dheeraad ah waxaad kala soo xidhiidhaa telefoonada xafiiska ee kale ah 4251095 Telesom
Hadaba ardayga raba inuu ka qayb qaato barnaamijkan ha yimaado xafiiska Haay’ada Kaaba Microfinance Institution 9:00 ilaa 12:00 oo kaliya