Monday, August 19, 2013

Haweenka Mid Ah Agoomihii Iyo Xaasaskii Ay Ka Tegeen Mujaahidiintii SNM Oo Maanta Cabasho Ay La Hor Tegeen Xarunta Madaxtooyada Ku Mutaystay Inay Ciidanka Bileysku Gaadhi Ku Daabulaan






 




Haweenka Mid Ah  Agoomihii Iyo Xaasaskii Ay Ka Tegeen Mujaahidiintii SNM Oo Maanta Cabasho Ay La Hor Tegeen Xarunta Madaxtooyada Ku Mutaystay Inay Ciidanka Bileysku Gaadhi Ku Daabulaan




 




 




(Gobanimonews)8-19-2013-Haween ka mid ah Agoomahii iyo Xaasaskii ay mujaahidiintii SNM ka tegeen oo Cabasho la hortegay Xarunta Madaxtooyadda Somaliland horteeda ayaa Ciidanka Bileysku gaadhi ku daabuleen iyaga oo halkaasi Haweenku  Cabashadooda Warbaahinta kula hadlaayeen.




Hooyooyin ka mid  ahaa eheladii iyo Xaasaskii ay ka tegeen Maahidiintii SNM ee  dalkan u soo naf waayay qaarkood oo ka gadoodsana daryeel la’aan ay sheegeen inay ku haysato  Magaaladda Burco oo ay  degan  yihiin iyo magacii SNM ee ragoodu u soo dhinteen ee ay agoonta u noqdeen oo ay sheegeen in Magacaasi SNM ay ku maxaabsadaan Ashkhaas gaar ah oo aan iyaga wax aliyaala wax ay u qabanayaan aanay jirin, waxanay  sheegeen inay doonayaan in dhibaatooyinka ay ka cabanayaan Madaxweynaha Somaliland Md Axmed (Siillaanyo) la gaadhsiiyo oo lala kulansiiyo si ay  dhibkooda ugu sheegan,waxanay taasi keentay in dhamaanba Haweenkii halkaasi Cabashadda la hor yimid Ciidamadda Bileysku gaadhi ku daabulaan oo iyaga iyo Wariye ka tirsan Warbaahinta Muxaliga ahba la Xidho.




Hooyo Hibo Maxamuud Haariye  oo sida ay sheegtay  ALLE  ha u Naxariistee  uu ka dhintay  mujaahid  Carab Ileeye Samatar (Jiibabaa iman) oo ka mid ahayd dadka cabashada la hor yimid Xarunta Madaxtooyada Somaliland ee la xidh xidhay  oo Xadhiga ka hor Warbaahinta la hadlaysay waxa ay tidhi “Aniga oo ah Hibo Maxamuud Haariye  oo uu ka dhintay Mujaahid Carab Ileeye Samatar (Jiibabaa iman) oo ahaa Islaamahii lagu qabi jiray dhirta hoostooda ee Marwooyinka ku ahaa ee Caruuraha ku dhali jiray ee Ragoodi ku dhintay ee intaas aan hadana ka hadhin ee hawsha iyo halganka waday,dalkii aanu sidaasi ugu soo halganay ee aanu wax kasta ku waynay Subaxaas saaka ah ee Aabahii SNM dalka haysto,marka aanu is nidhaahno u gala(Madaxweynaha) rag ayuunba na horjoogsanaaya meel alla meel aanu ka marno waanu waynay Caruur Isguuladda na loogama bixiyo oo Faqashtu Giraamadda ay qaadato nalama siiyo Caruurtayadii meelo ay degaan malaha oo Buulal ayay ku jiraan,marka maanta halkan waxa na keenay Nafla caarid oo hortaga ayaanu is nidhi”




Haweenay kale oo ina halkaasi ka hadashay waxa ay tidhi “Anigu waxa aan ahay gabadhii uu ka dhintay Mujaahid Maxamed Cali oo aabahay iyo Ninkaygii maalin ayaa isku meel lagu dilay,halkana(Madaxtooyadda horteeda)waxa aanu u nimid in kasta oo aniga Madaxweynaha aan hore ugu imid oo laysiidaayay oo waabu ila balamay laakiin mar labaadkii aan soo noqday waaba laysii dayn waayay,marka waxa weeyaan aniga iyo Caruurtaydu ma qaramaysnin ragayagiina Hanti noogamay tegin ee waxa ay nooga tegeen ee Kiro aanaan iska bixin Karin ayaanu ku jirna kolka waxa aanu Madaxweynaha ka Codsanayna in uu nala kulmo oo dhibaatada yada eego waxa aanu Burco uga nimid ee aanu boodhadhkan u sidana waa in aanu Xaaladayada nololeed ee ragayagii dalkan nagaga soo dhinteen aanu ku muujino”




Hooyo Kinsi Yuusuf Maxamuud oo iyana halkaasi ka hadashay waxa ay tidhi “Waxa aan anigu ahay Kinsi Yuusuf Maxamuud oo uu ka dhintay Mujaahid Ibraahim Jaamac Xadiir oo ku magac dheer (Hay liqin)oo madaarkaas ku dhintay waxa aan dawladda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo)ka codsanayna in uu qalbiga iyo indhahaba noo furo anaga Caruurtayadu Isguulo iyo Jaamacado ay wax ku bartaan midna malaha oo cidi kama bixiso, marka waxa aan doonayaa inuu Madaxweynahu wax noo qabto wuu na og yahay in aanu nahay Ehelooyinkii ragoodu dalkan iyo dadkan u soo dhinteene intaas ayaan Madaxweyne Axmed ka codsanayna”




Waxa sido kale Warbaahinta halkaasi kula hadlay Xubno kale oo ka mid ah Haweenka agoomahii ay Mujaahidiintii SNM ka tegeen oo iyaguna Cabashooyinku aadan nolol xumo ay ka cabanayaan baaq dheerna Warbaahinta u mariyay Madaxweyne Axmed (Siillaanyo) oo ay ka dalbadeen inuu ka aqbalo kulan uu la yeesho Haweenkan ragoodii ku waayay halgankii qadhaadha ee Ciidamadii SNM dalka dib ugaga xoraynayeen Kaligii taleyihiin Siyaad Barre,waxanay Cabashadii Hooyooyinkan Qaraabada SNM ahaa u keentay in Ciidanka Bileydku xoog ku muquuniyaan oo Xaajiyad ay leeyihiin Ciidamadda Amniga ee Bileysku ay qabqabtaan oo halkaasi ka gureen,mana jiro ilaa hada war rasmi ah oo ka soo baxay dhanka Taliska Ciidank Bileyska  oo qeexaya in la siidaayay iyo in kale iyo meesha la geeyay Hooyooyinkan u soo rag iyo hantiba belay dib u xoreynta Somaliland ee aynu maanta ku naaloonayno”




 




Wariye Mr Hudle




Shabachudle@gmail.com




Gobanimonews@gmail.com/Head Office Hargeysa/Somaliland