Hargeysa(GNA)-Dunida Islaamka ayaa laga ciidayaa Maalinta Khamiista ee Beri ah, ka dib muddo 29 Maalmood oo lagu soo jiraay Bisha Barakaysan ee Ramadaan.
Inta badan dalalka Islaamka ayaa goor dhaweyd laga dhawaaqay inay berry Ciid taha, waxaana ka mid ah Wadamada Afrika ee laga dhawaaqay Somaliland, Itoobiya , Jabuuti iyo dalal kale.
Dabaal-dega Munaasibada Ciidal Fidriga ayaa Caawa lagu jiraa diyaar-garowgii ugu dambeeyay, waxaana jira damaashaad hor dhac ah oo ay dadka Muslimiinta ahi ku soo dhaweynayaan.
Magaalada Hargeysa ayaa caawa si aan caadi ahayn oo aad u heer saraysa looga dareemayaa munaasibada Ciida.
Magaalada ayaa guud ahaanba markii la soo afuray waxa jidadka u soo baxay Kumanaan qof oo suuqyada ka dukaamaysanaya, kuwaasoo ku soconaya Lug iyo Gaadiid labadaba.
Guud ahaanba Magaalada waxa ka jira Mashquul aad u faro badan, waxaana xidhmay saacadihii hore dhamaan Jidadka waaweyn oo Gaadiidka iyo dadku meel ay kala maraan waayeen.
Saxmada iyo Buuqa ka jira Magaalada waxa dheeraa Roob ka da’ay Fiidkii markii salaada Maqrib laga soo baxay, kaasoo biyo mariyay waddooyinka iyo Laagaha biyo mareenka ah ee Magaalada.
Roobka ayaa ahaa mid lagu qabowsaday oo ay dadku kaga haraad baxeen Kulayl saayid ah oo Maanta jiray.
Dhinaca kale, Munaasib ada Ciida awgeed, waxa xarunta Warqabadka ee Gobanimonews soo gaadhaya Dhambaalo Hambalyo ah oo ay Madaxda Somaliland iyo somaliya hawada u marinayaan shacbiha somaliyeed iyo guud ahaanba Umadda islaamka.
Kuwaasoo ay ilaahay uga baryayaan inuu sanadka kiisa kale ku gaadhsiiyo Bash-bash iyo barwaaqo.
Annaguna hadii aanu nahay Bahda Gobanimonews waxaanu dhamaan Akhristayaashayada iyo Umadda islaamkaba leenahay Ciid Mobarig (Kuli Caam wa antum Bil Khayr.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com