Friday, August 9, 2013

Diyaarad AMISOM hub u siday oo Garoonka Muqdisho ku shuf-beeshay, Khasaaraha ka dhashay +Sawiro


Muqdisho(GNA)-Diyaarad Saanad Milateri u siday Ciidamada AMISOM ayaa maanta ku gubatay magaalada Muqdisho.




Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay shilkaasi, waxaana lagu guulaystay in la bakhtiiyo Diyaaradaasi iyadoo dhamaanteed Dabku wada gaadhay.




Lama garanayo sababta dhalisay Gubashada Diyaaradan, hase ahaatee Xukuumadda somaliya ayaa sheegtay inay Guddi baadhiseed u saarayso sidii loo baadhi lahaa sababta keentay dabka Gubay.




Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Itoobiya, sidoo kale AMISOM ayaan iyana si dhameystiran uga hadlin, hase yeeshee war ay ku soo qortay barteeda Twitter-ka ayay kaga tacsiyadeysay shilkan diyaaradan.




 




Daawo Sawirada gubashada diyaarada