Sunday, August 4, 2013

Aynu wada-hadalno waa aan Heshiino.by:Yoonis Maxamed X.Jaamac






Waxay ahayd maalin arbaca ah taariikhduna ahayd 10/07/13. Waxa  dalkan Somaliland  lagaga dhawaaqay gaar ahaan caasimada Hargeysa   gole madaxbanaan oo loogu magac daray Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka.




Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, waxa sidoo kale uu la kowsaday bishan barakeysan Ramadaan ee aynu ku gudo jirno waxaana ku dhawaaqay siyaasiin dalka magac & maamuus ku leh, waana gole noociisu ugub ku yahay ama ku cusub yahay dalka taasoo sababtay inay ka dhashaan murano xaga sharciyada ah gaar ahaan xukuumada oo golahan ka biyo diiday sharcidarana dhismihiiisa ku tilmaantay , halka siyaasiyiinta golahaasi ku dhawaaqay ay ku doodeen in golahoodu aanu ka mid ahayn golayaasha qaranka ee dastuurku jideeyay balse golaha ay ku dhawaaqeen yahay gole madaxbanaan doodna ay u lee yihiin xukuumada inay ka qancisana ay rabaan oo 16 qodob  kusoo urursheen.




Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka, ayaa waxaa sidoo kale uu saamayn ku yeeshay bulshaada Somaliland kana dhex abuuray doodo laguna kala aaraa duwanaaday taasoo sababtay kala qayb sanaan xaga fikirka ah weedho kul kulul oo xanaf leh oo warbaahinta laysku marinayay mudadii koobnayd ee uu jirey.




Waxaaan odhan karaa arragtidayda masuulkii sida caqliyada ah uga hadlay in badan oo bulshada ka mid ahina filayo inay ilaqabto waxa uu ahaa. Gudoomiyaha xisbil-xaakimka Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, kasoo hadalkiisu ahaa mid dhexdhexaada toolooyin tabana u jeediyay labada dhinac kuna guubaabiyay in la joojiyo weedhaha xanafta leh ee warbaahinta laysku marinayo uguna baaqay miiska wada hadalka layskugu yimaado si laysku qanciyo, waxaanay noqotay tolo wax ku oola oo laysla qaatay oo lawada hadlo oo lays qanciyo.




Madaxwayne Axmed Siilaanyo, ayaa qaatay go’aan geesinimo ah ka dib markii uu ka aqbalay ergadii is-xilqaantay in golahaasi Golaha Wadatashiga iyo Toosinta Qaranka wada hadlaan waana arrin mudan in madaxwaynaha lagu bogaadiyo.




Waxaan kusoo koobayaa qormadaydan kooban, aynu wada hadalno waa aynu heshiino, in wadahadal wax lagu xaliyaana waa arrin Somaliland dhaqan u lahayd oo ay ku soo caano maashay xaalado badan oo adagna ay kaga soo gudubtay. Waxaan rajeynayaa in ay guul kusoo dhamaadaan wadahadaladaasi idamka Alle.