Thursday, August 1, 2013

SLN: Salaadiintii Ergada ka dhex waday Madaxtooyada iyo Golaha wada-tashiga oo khilaaf soo gala dhex-galay


Hargeysa(GNA)-Khilaaf aan mugiisa la Ogoyn ayaa maanta soo kala dhex galay xubnaha Salaadiinta  ah ee Ergada ka dhex wada Xukuumadda iyo Golaha Wada-tashiga.




Xubnahan oo kulan albaabadu u xidhanyihiin Maanta  ku yeeshay Hudheelka Emperial ee Magaalada Hargeysa, ayaa ka gaabsaday inay Warbaahinta wax tafaasiil ah ka siiyaan halka ay wax u marayaan, hase ahaatee intii kulankaasi socday wax dibada u soo baxay  suldaan Muxumed Xiiray (Indho-case, kaasoo khilaaf ka dhex qarxay shirkaasi kaga soo baxay hoolka ay ku shirayeen salaadiintu.




Suldaan indho-case oo markii uu shirka ka soo baxay warbaahintu isku dayday inay wax ka waydiiso sababta uu shirka uga soo baxay iyo inuu jiro Khilaaf soo kala dhex galay xubnaha kale ee sulaadiinta, ayaa isuguna ka gaabsaday.




Hoolka ay ku shirayeen Ergadan oo ay mudo Saxaafaddu hor tubnayd ayaa la arkayay iyagoo salaadiintu hadalo kulul iyo si taag taagan ugu wada hadlaya, hase ahaatee ma cada waxay isku Maandhaafsanayeen.




Dhinaca kale sida ay Gobanimonews ka heshay Ilo-wareedyo xogogaal u ah ergadan, salaadiinta ayaa maanta laga sugayay inay soo mudooyeen xiliga ay kulansiinayaan Madaxweynaha iyo Golaha wada-tashiga oo iyaga laftoodu maanta gelinkii hore kulamo ku lahaa Magaalada Hargeysa.




Ma cadda in Salaadiintu wakhti u soo cayimeen isu keenista labda dhan ee Madaxtooyada iyo Golaha Wada-tashiga, hase ahaatee xubnaha kulankaasi ku hadhay ayaa markii ay ka soo dareereen wajiyadooda laga dheehanayay inay arintoodu isfaham ku dhamaatay,




Si kastaba ha ahaatee Khilaafkan soo kala dhex galay salaadiinta oo aan sidaasi u sii cuslayn markii dambe ayaa la eegi doonaa halka uu ku dambeeyo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com