Hargeysa(GNA)-Dawlada Federaalka somaliya ayaa bilowday Qorshe ay ku joojinayso inay Somaliland soo daabacato lacag shilinka Somaliland ah, iyadoo la sheegay inay uga digtay shirkadaha hada u soo daabaca lacagtaasi inaanay dib ugu soo saaraan, kuna adkaysay inay ilaaliyaan jiritaanka dawlada somaliya iyo qawaaniinta u degsan lacagaha ee Caalamiga ah.
Qorshahan waxa la sheegay inay dawlada Ingiriiska iyo shirkadahaba u gudbiyeen Masuuliyiinta Wasaaradda Maaliyada ee somaliya iyo Wasiir u dawlaha arrimaha dibada, kuwaasoo kala ah Wasiirka Maaliyada ee dawlada Federaalka ah Maxamuud Xasan iyo Guddoomiyaha Baanka dhexe ee somaliya Cabdisalaan Hadliye, iyo Wasiir u dawlaha arrimaha dibada Maxamuud Nuur Gacal.
Waxaanay fariintan u direen dhamaan dawladaha iyo shirkadaha dawlada Somaliland xidhiidhka kala leedahay arinta lacag soo daabacashada, sida lagu sheegay Qoraal ay u direen dawlada Ingiriiska iyo kuwa kale ee xusan.kuwaasoo ay ku wargeliyeen inaanay somaliland lacag dambe u soo daabicin.
Dhinaca kale sida ay Gobanimonews ka heshay diblo-maasiyiin Somali ah, dawlada Federaalka ah ee somaliya ayaa horaanta bishan soo daabacanaysa lacag shilin Somali ah oo cusub, taasoo la doonayo in la gaadhsiiyo dhamaan Goboladda dalka oo ay ku jirto Somaliland.
Lacagtan ayaa la sheegay in lagu bixinayo dhamaan deeqaha la siiyo somaliya oo ay ku jirto Somaliland, iyadoo fulinta arintaasina la sheegay inay la kaashanayso dawladaha shisheeye ee labada dal Taageerada dhaqaale siiya.
Lama cadaynin meesha ay lacagtan ka soo daabacanayso dawladu, balse waxa la tibaaxayaa inay sida ugu dhakhsaha badan lacagtan dalka u keenayso, una qaybinayso dhamaan Maamulada hoos yimaada nidaamka Federaalka ah, inkasta oo aanay Somaliland ka mid ahayn Maamul Goboleedyada hoos taga.
Waa arin laga aqbalin karin dawlada Uk iyo dhamaan dawladaha kale inay ogolaadaan daabacaada iyo soo saarka lacagta Somaliland ee loo samaynayo hanaanka aan sharciga dhamaystiran lahayn, taasoo ay Somaliland gooni u isticmaasho, iyadoo runtii arintani caqabad ku tahay midnimada somaliya “ayaa lagu yidhi nuqul ka mid ah Qoraalkan oo Warbaahintu heshay.
Si kastaba ha ahaatee talaabooyinka ay dawlada Federaalka somaliya qaadayso ayaa u muuqda kuwo ay cadaadis ku saarayso Somaliland oo doonaysa madaxbanaani dawladnimo, ka dib markii ay gooni-isutaageeda la soo noqotay 1991-kii markii ay bur-burtay dawladii dhexe ee somaliya.
Hase ahaatee ilaa hada ma jiro war ka soo baxay Xukuumadda Somaliland oo la xidhiidha arintan oo dadka arrimaha siyaasada ka falanqoodaa ku tilmaamayaan mid ka hor-imanaya Heshiiskii ay labada dhan ku gaadheen Dalka Turkiga Bishii aynu soo dhaafnay.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com
.