Baydhabo (GNA) Ciidamo Boolis ah oo qeyb ka ah howl galka AMISOM ayaa maanta gaadhay magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, si ay uga qeyb qaataan howlaha sugida ammaanka, kadib markii todobaadyo ka hor AMISOM la wareegeen ammaanka guud ee magaalada.
Gudoomiyaha Gobolka Baay Cabdi Aadan Hoosow ayaa sheegay in magaalada Baydhabo ay soo gaadheen ciidamo boolis ka kala socda Nigeria iyo Ghana.
Mr Hoosow ayaa sheegay in ciidamadan ay la shaqeyn doonaan ciidamada Booliska gobolka, isla markaana ay ka qeyb qaadanayaan howlaha sugida ammaanka.
“Ciidamada Booliska AMISOM ee soo gaadhay magaalada Baydhabo waxay amaanka kala shaqeyn doonaan ciidamada booliska Soomaaliyed ee ku sugan magaalada Baydhabo”ayuu yidhi Mr Hoosow.
Gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa tilmaamay in Ciidamada Booliska ee ka socda AMISOM ay dhinaca amaanka kala shaqayn doonaan Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Baydhabo.Booliska AMISOM ayaa la shaqeeya Booliska Soomaaliya, waxaana ay ka qeyb qaataan howlaha sugida ammaanka ee magaalooyinka, iyadoo magaalada Muqdisho ay tahay meesha kaliya ee ilaa haatan ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.
Diyaariye: Askar
askars4@hotmail.com
Gobanimonews.com