Saturday, May 24, 2014

Oday Cabdi Jaamac Aadan Wuxuu Hamblyo U diray Ururka Intifaac Ee Degmada Abdaal Oo Ku Biiray Xisbiga Ucid


Oday cabdi jaamac Aadan oo ka mid ah odayaasha magaalada berbera ayaa shir jaa.id oo xafiiskisa magaalada berbera ku qabtay wuxuu hamblyo ugu diray     ururka intifaac ee ka jira degmada abdaal oo ku hambleeyay ku biiristii ay ku biiren xisbiga mucaaridka ah ee ucid .waxaanu ururkaa intifaac ku booriyay inay go.aanka geesinimada leh ay qateen halkaa ka siii wadaan “




Maanta waxaan shirkan jaa.id u qabtay inaa bogaadiyo ururka intifaac ee xisbiga ucid ku biiray maalintii shalay degaanada dhinaca galbeed ee gobolka saaxil waa degaano mar walba go,aan geesinimo leh qaata waxaan xisbiga ucid iyo xisbiga kale ee mucaaridka ka ah ugu baaqayaa inay xafiisyo ka furtaan degaanada galbeed ee gobolka saaxil “ degaanadaasi waa degaano u bisil siyaasada Somaliland inta badana waa dad xooga lagu saaro inay dawlada la shaqeeyaan iyaguna maaha dad arintaas iyo arimo kale oo loola yimaado yeela ee waxay qaatan go,aan adag .geesta kale wuxuu cabdi jaamac Aadan Baaq u diray degaanada bari ee gobolka saaxil oo ugu baaqay inay sidan oo kale u tageeraan xisbiga ucid iyo mucaaridka , arintaa waxaan u leeyahay waynu wada og nahay in xaquuqdii gobolka saaxil dhaanba lun san tahay




Oday cabdi jaamac Aadan waa nin  inta badan ku soo dhex jiray siyaasada dalka waxaan saxiibo dhaw ahaayeen madaxwaynaha Somaliland axmed maxed maxamuud (silaanyo ) wakhtigii uu ahaa guddomiyaha xisbiga kulmiye haatana waa siyaasiyiinta sida aadka u dhaliila xukumada madaxwayne silaanyo hogaamiyo