Tuesday, May 27, 2014

Khilaafka Kulmiye: Waan-waan dhicisowday iyo Garabka Muuse oo ka digay Dagaal sokeeye.dhegeyso


Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleban-gaal oo waji –gabax kala kulmay dhexdhexaadin uu ula tegay madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi iyo qodobada uu hor dhigay..




Jaamac Shabeel oo Madaxweynaha uga digay Taariikh xumo..Dhegeyso




SalebannnHargeysa(GNA)- khilaafka Xisbiga Kulmiye ayaa sii murgaya, iyadoo xaaladdu qir iyo qir ku sii durkayso.




Wararkii ugu dambeeyey




Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye Jaamac Shabeel ayaa jawaab adag ka bixiyay hadal ka soo yeedhay Garabka xukuumadda xisbigaasi.




Jaamac Shabeel ayaa ku tilmaamay riyo iclaaminta Shirka Golaha dhexe ee garabka xukuumaddu ku baaqday.




Xasan Siciid oo ka Fallaagoobay Muuse iyo Maxamed




Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE, Xasan Siciid Yuusuf, oo isagu hada ku biiray dhinaca Madaxweyne ee khilaafka qaybta ah ayaa Maanta iclaamiyey wuxuu ku tilmaamay Shirka ugu horeeya ee Golaha dhexe ee xisbigaasi, golahaasoo  ah xubnihii ay dhawaan shaaciyeen shir-guddoonkii shirweynaha 3-aad ee  xisbiga.




 “Waxaan ku war-gelinayaa dhammaan xubnaha Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, in fadhigoodii koowaad la qabanayo 1-da bisha June, waana inta caasimadda joogta iyo inta Gobollada joogta inay maalinta Axadda isugu yimaadaan Caasimadda Hargeysa, shirkuna waxa uu ka furmi doonaa huteelka Maansoor”ayuu yidhi Xasan Siciid oo ka hadlayey Shir-jaraa’id oo qabteen Madaxweyne ku-xigeenka iyo raxan wasiirro ah oo ka soo horjeeda hogaanka Kulmiye.




Jaamac Shabeel oo daba socda hadalka ka soo yeedhay dhinacan waraysi  bixiyey caawa, waxa uu ku sheegay in xaaladaha isbed-bedelaya ee xisbiga Kulmiye ay halis amni daro dalka u horseedayaan.




“Khilaafka kulmiye wuxuu waddanka u horseedayaan xaalad amni daro iyo khatar”ayuu yidhi.




Jaamac Shabeel ayaa ka digay dagaal sokeeye “Madaxweyne siddeedii sanadood ee Daahir Rayaale madaxweynaha ahaa wax dagaal ahi kama dhicin dalka, labadii madaxweyne ee ka horeeyey mid walba dagaal sokeeye ayaa dhacay, markaa hadii adigoo madaxweyne ah dagaal dhaco waxa rumoobaysa dacaayada odhaysa Isaaq isma maamuli karaan”ayuu yidhi.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/jamaavc-sha.mp3"][/audio]




Shirar iska soo horjeedda




Shirka Garabka Madaxweynaha ee Kulmiye qabanayaan oo daba socda qorshihii shalay baaqday ee la doonayay in xididdada loogu siibo hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa lagu wadaa inuu Axadda bisha qabsoomo, kaasoo la doonayo in sidii horeba loogu talo galay in lagu rido Guddoomiyaha iyo ku-xigeenka Xisbiga.




Sida ay Gobanimo ku heshay xogo hoose, Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin, ayaa lagu eeddeynayaa inay go’aan xisbi ka hor yimaadeen, sidaas darteed anshax marin lagu qaadayaa, waa sida uu qorshaha socdaa yahaye.




 




Dhianca kale, Sida ay gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo madaxbanaan, hogaanka Xisbiga kulmiye ayaa qorsheeyey inay maalmaha soo socda shir u qabtaan Golle dhexe oo cusub oo Muuse Biixi soo saari doono.




Shirkaas ayaa lid ku ah kan ay xukuumaddu iclaamisay.




Ciidanka Ammaanka oo isha ku haya Dhaqdhaqaaqa hogaanka Xisbiga




Ciidamo bilays ah ayaa la sheegay inay xalay hawl-gal dhicisoobay ku qaadeen Guddoomiyaha Xisbiga, kuwaasoo amar lagu siiyay inay soo qabtaan Muuse Biixi hadii ay arkaa dhaqdhaqaaq abaabulan oo gurigiisa ka socda.




Sarkaal Ciidanka Birmadka ka tirsan ayaa laga soo xigtay in Ciidanka amar lagu siiyey inay la socdaan dhaqdhaqaaqa hogaamiyaha Xisbiga xukuumiga ah, iyadoo ciidanku xataa baadhis iyo indho indheyn ku sameeyeen meelaha uu fadhiisto, sida Hudheelka Maansoor.




Arrintan ayaa timi markii ay soo baxeen warar sheegaya in Xafiiska Xisbiga la wareegeen rag hubaysan oo Muuse Biixi Taageersan.




Wararka ugu dambeeyey ee arrintan la xidhiidha ayaa sheegaya in Ciidamo RRU ah iyo Gadhawaadhi Tikniko ah la dhigay meel wax yar u jirta xarunta Xisbiga, fiidnimadii caawa, xiligaasoo ay socotay baadhis lagu sameynayay Gaadiidka ku gooshayay waddada oo lagu baadhayay agagaarka Hudheelka guuleed.




Waxa kale oo la sheegayaa inay Hay’addaha ammaanku ka shaki qabaan in Taageerayaasha hogaanka Xisbigu ku kacaan talaabo ay kaga soo horjeedaan Inqilaabka xukuumaddu ku samaysay hogaanka xisbiga.




Waan waan dhicisowday




Dhinaca kale, waxa dhicisowday waan-waan kedis ah oo uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleban Maxamuud Aadan oo Maanta dalka ku soo laabtay, ka dhex bilaabay Madaxweyne Siilaanyo iyo hogaanka Xisbiga ee fallaagoobay.




Saleban Maxamuud Aadan ayaa la sheegay inuu Maanta la kulmay Madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi, oo uu mid walba waji gabax kala kulmay, kaddib markii mid waliba ku gacan saydhay wixii uu u soo jeediyay.




Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay in Guddoomiyaha Golaha Guurtidu ka dalbaday inuu faraha kala baxo maamulka xisbiga, isla markaana uu u daayo hogaanka sharciga ah ee haysta.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo ku dhadhow kulankaasi, madaxweyne Siilaanyo ayaa si cad ugu gacan saydhay soo jeedinta Guddoomiyaha Guurtida.




Sidoo kale Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbigaas iyo garabkiisa oo uu ka mid yahay Maxamed Kaahin,oo uu la kulmay Guddoomiye Saleban, ayaa la sheegay inuu hor dhigay qodobo laba daran mid dooro ah, kuwaasoo uu Muuse Biixi gaashaanka ku dhuftay.




Guddoomiyaha Golaha Guurtida ayaa la sheegay inuu Muuse Biixi ka dalbaday inuu aqbalo muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo iyo inuu aqbalo soo jeedinta Shir-guddoonka Xisbiga ee shaacinta liiska Golaha dhexe iyo Guddida fulinta.




Labaa qodob ayuu u soo jeediyay in loogu bedeli doono inuu hogaaminta Xisbiga faraha looga qaadi doono, hase ahaatee sida ay ilowareedyada Gobanimonews heshay sheegayaan Guddoomiyaha Kulmiye ayaa diiday inuu labadaa arrimood midkoodna aqbalo.




Si kastaba ha ahaatee, Xaaladda Khilaafka Xisbiga ayaa ah mid sii murgaysa, waxaanay qarka u saarantahay inay gacan ka hadal isu bedesho.




Iyadoo Arrimahan ay u muuqdaan kuwo iska hor-imaad abuuraya hadii aab xal deg deg ah loo helin, isla markaana dhinacyada loolanku ka dhexeeyaa isu tanaasulin.




La soco wixii ka soo kordha..




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com