Wasiir-ku-xigeenka amniga Qaranka ee xukuumada Somalia Ibraahim Yarow Isaaq ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay soo afjareen weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo kooxo ka tirsan Al-shabaab ay ku qaadeen xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.
“Gaari miineysan ayey ku qarxiyeen albaabka laga galo xarunta golaha shacabka Qaranka, ka dibna kooxo ka tirsan Al-shabaab oo ku lebisan dareyska ciidamada ayaa isku dayey iney gudaha u galaan xarunta hase ahaatee ciidamada amaanka iyo kuwa AMISOM ayaa fashiliyey dhamaantoodna waa la laayey” ayuu yiri Ibraahim Yarow Isaaq oo la hadlay Ideecada dawladda.
Wasiir-ku-xigeenka amniga Qaranka ayaa sheegay in xaalada ay hadda gacanta ku hayaan ciidamada amaanka, ayna wadaan baaritaano, isagoo xusay inuusan jirin xildhibaan ama masuul dowladeed oo wax ku noqday weerarkaas dhamaantoodna goobtaas laga saaray iyagoo bad qaba.
Waxaa uu intaa ku daray in khasaaraha weerarkaas ka dhashay iyo warbixino kaleba ay saxaafada kaga warbixin doonaan saacadaha soo socda, isagoo shacabka ugu baaqay iney isdejiyaan, wax dhibaato ahna aysan jirin.