Wednesday, May 28, 2014

Somaliland: Loolanka Siyaasadda oo kashifay Qorshe Urur-diimeedyo Xag-jir ahi xukunka kula wareegayaan


Sheikh Aayo-tulah: Madaxweyne kuwa awoodda kugu haysta iyo Ninkii Nabiga caayay waa isku mid..Dhegeyso




 Cabdilaahi Abokor: Xukuumadda Siilaanyo waxa ku jira  Wasiirro Al-shabaab ka tirsan”daawo




Madaxweyne Siilaanyo talooyinka loo jeediyay wax ma ku qaadan doonaa?




Wasiir-Ku-xigeenka-amnigaHargeysa(GNA)-Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa Kashifay Shirqool uu sheegay inay waddanka ka maleegayaan xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada ee xukuumadda  Madaxweyne Siilaanyo oo ka tirsan Urur-diimeedyada ka dhisan Qaarada Afrika iyo dunida carabta oo qaarkood xagjirnimo lagu tiriyo.




Shir jaraa’id oo uu Maanta ku qabtay Cabdilaahi Cismaan Abokor Magaalada Hargeysa, bil kaddib markii xilka laga qaaday, ayuu ku sheegay inay khatar waddanka ku hayaan Wasiirrada dawladda ee xidhiidhka la leh Urur diimeedyada qunyar socodka ah ee ka jira dunida carabta.




Cabdilaahi Abokor oo Shirkiisa jaraa’id qayb ka ahaa muranka Xisbiga talada haya ee Kulmiye ayaa intaasi ku “waxaan ka digayaa Nimanka Gunti gaabka ah ee Urur diimeedyada halista ah ku jira ee doonaya inay xukunka dalka la wareegaan inay dalka geliyaan xaalada Soomaaliya oo kale”ayuu yidhi.




Waxa kale oo uu sheegay “markaan anigu wasiirka ahaa waxa dhici jirtay inaan Shirarka Golaha Wasiirrada lagu soo qaadi Karin Khatarta Ururka Al-shabaab, laakiinse nagamay joojin jirin inaanu ka hadalno, waxyaabahaasina waa waxay igula coloobeen nimankaa wasiirrada ah ee xidhiidhka la leh”.




Halkan ka Daawo:




Eeddeymo isku mar ku soo beegmay




ayotuleHadalka Wasiir ku-xigeenka hore ayaa yimi, maalin kaddib markii ay xubno ka mid ah Culimo-awdiinka waaweyne ee reer Somaliland, gaar ahaan Sheikh Ayaatulah oo ka tirsan firqo diimeedka Qaadiriyadu, khudbad uu ka jeediyay munasibada xuska Micraajka, ku sheegay inay siyaasadda dalka saameyn ku yeesheen Koox diimeedyo xag-jir ah, kuwaasoo halis ku ah midnimada iyo wada socodka dadka iyo dawladnimada.




Sheikha ayaa Madaxweynaha dalka kula taliyay inuu hoos u eego Wasiirradiisa ku xidhan Ururrada diinta ku abtirsada ee xukun doonka ah, kuwaasoo buu yidhi doonaya inay xukunka kula wareegaan hab siyaasaddeed oo salmi ah.




Sheikh Ayaatulle inkasta oo aanu magacaabin xubnaha uu eeddeynayo, hadana waxa uu sheegay inay bilihii ugu dambeeyey dhaqdhaqaaqooda siyaasaddeed xoojiyeen.




Halkan ka Dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/00020.mp3"][/audio]




Hore ayaa Xukuumadda Siilaanyo loogu xidhiidhiyay inay ku jiraan xubno ka tirsan Urur diimeedyada Ictisaam iyo Ikhwaanu Muslimiin oo awood salbalaadhan ku soo yeelanaya Gobolka, isla markaana faracyo la sheego inay ku abtirsadaan ku hirdamayaan hogaaminta Soomaaliya.




Ilaa iyo hada Madaxweyne Siilaanyo arrintaas jawaab cad kamuu bixin, waxaana muuqata inay wali xukuumadiisa ka dhex muuqdaan ashkhaas lagu tiriyo inay toos xidhiidh ula leeyihiin firqooyinka Diiniga ah ee waddanka ka dhisan, sida Al-ixsaan, Damul-jadiid iyo kuwo kale.




Dareenka Bulshada




Bulshada Somaliland ayaa qaar badan oo indheer garad ahi si weyn arrintan u dareensanyihiin.




"way jiraan Kooxaha Dawladda ku jira ee xidhiidhka la leh Urur diimeedyada kala duwan, waa wax iska cad, laakiinse waxaan ii muuqan qaabka ay siyaasadda kula wareegi doonaan"sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay  khabiir ka faallooda arrimaha siyaasadda Gobolka.




Dadka qaar ayaa aaminsan inay xukun doonka Ururrada magacyada badan xidhiidhka la leh ay doonayaan inay xukunka ku sii hayaan Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo ay rabaan inay wakhtiga ugu macquulsan ee ay fursada ka helaan ay kagala wareegaan hogaanka.




tani waa sababta dhalisay in Madaxweynaha lagu dhaliyo inuu shan sanno oo dambe hogaaminta waddanka isu soo taago, isla markaana isagoo aan go'aankaas wali isagu caddeynin fagaareyaasha siyaasadda Wasiirro xukuumadda ka tirsani uga difaacayaan.




Sida ay farta ku fiiqayaan dadka arrimaha isha ku hayaa, wasiirrada Madaxweyne Siilaanyo ku khasbaya inuu shanta sanadood ee soo socda talada ku sii negaado, ayaa maagan hir-gelinta nidaamka qarsoon ee ay doonayaan inay awoodda kula wareegaan xukun raadiska xarakooyinka diiniga ah ku jiraa.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com