Sunday, May 25, 2014

Khilaafka Kulmiye:Hogaanka Xisbiga oo xididdada loo siibayo


Maxamed Kaahin: hadii Muuse iyo aniga Xadhigayaga Kulmiye Janadda ku tegayo Jeelkaanu isgeynaynaaaa..."Shir jaraa'id.




GNA: isku day la doonayey in hogaan cusub Guddida fulintu doorato oo wali lagu goodiyayo..




Kulmiye-400x300Hargeysa(GNA)-Isku dayo dhanka Xukuumadda laga abaabulayo oo la doonayo in Kuraasta lagaga tuuro Hogaanka Xisbiga kulmiye ayaa bilaamay, laba maalmood kaddib markii uu dib u curtay Khilaafka ka dhashay shaacinta Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbiga.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo u dhuun daloola xisbigu, Kooxda Madaxtooyada ka shidaal qaadanaysa ee ay hogaaminayaan Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Gaashaan-dhiga ayaa xalay ku heshiiyey in Maanta shir lagu qabto Hudheelka Ambasador, kaasoo ay doonayeen inay ku doortaan guddi fulin ahaan hogaan cusub.




Sida uu qorshuhu yahay waxay doonayaan inay dhamaystiraan inqilaabka qorsheysan ee hogaanka Kulmiye lagaga maroorsanayo talada xisbiga, qorshahaasoo sida ay ku aaminsanyihiin dadka arrimaha siyaasadda falanqeeyaa la doonayo in guddoonka Golaha dhexe ee Xisbiga iyo hogaanka guddida fulinta oo sharciyada baalmarsan lagu sameeyo, iyadoo dhinaca hogaanka hada jira lagu eeddeynayo inay ka hor-yimaadeen go’aanka xisbiga ee shaacinta xubnaha Golaha dhexe iyo Guddida fulinta.




Xubno Wasiirro ah oo dhawrkii Maalmood ee la soo dhaafayba ku mashquulsanaa ayaa saaka isugu tegay Hudheelka Ambasador, halkaasoo ay goor kulul oo duhurkii ku dhadhow dib uga soo laabteen xubnaha qaar, sida ay Gobanimonews wararka ku heshay.




Jiritaanka isku daygan ayaa waxa xaqiijiyay guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed oo Maanta Warbaahinta la hadlay, saacad kaddib markii uu baaqday shirka Madaxtooyadu ku inqilaabaysay, inkasta oo ay wali socdaan kulamo isdaba jooga ah oo ay yeelanayaan dhinacyada khilaafku ka dhexeeyaa.




“Qoladan Cimrigoodii dhamaaday ee Guddidii Shir-guddoonka Shirweynihii Xisbigu waxay yidhaadeen waxaynu shir ku qabsanaynaa Ambbaasador Hoteel dabeed waxaynu dooranaynaa Guddoomiyaha Golaha dhexe ee xisbiga Xeerka Xisbiga Guddoomiyaha Xisbigu isagaa Ah Guddoomiyaha Golaha dhexe  isagaa ah ninka isugu yeedhaya Golaha dhexe marka la xaqiijiyo Liiska Golaha dhexe waxa Awood u leh in uu yidhaado Guddoomiyaha Golaha dhexe ha la doorto Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi,hudheelada la kiraysanyo iyo waxay samaynayaa Guddidii Shirweynaha Xisbigu waxay kaw ka tahay Burburinta Xisbiga KULMIYE” ayuu yidhi




Maxamed Kaahin oo ka hadlay sababta xilka looga qaaday Wasiirkii Ganacsiga




Maxamed Kaahin oo sii hadlay ayaa iftiimiyey kulamo Madaxtooyada ka dhacay oo arrimahan lagu go’aamiyay iyo xil ka qaadista Wasiirkii Ganacsiga ee xalay la eryay.




“Habeen hore ayaa Madaxtooyada la isugu yimi, waxaan idhi Guddidii Shir-guddoonku way kala dhantaalnayd Guddoomiye ku Xigeenkii Shir-guddoonka Shirweynaha oo saaka la eryay  waxaa loogu yeedhay in uu shalay ka hadlo Shirkii Guddidaasi qabatay wuxuu yidhi Madaxweyne




kii horena waa la iga qariyay kana ka qayb-gali mayo,Wasiir Fadhiyay ayaa waxa uu ku yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumarow waa la dagaalamayaa Labada dhinac mid raac Sababtaa ayaan loo Eryay Wasiirkii Ganacsiga iyo Maal-gashiga Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar,Madaxweyne Siilaanyo cidi lama Magacowdo Golahiisa Wasiirada Muuse Biixina Cidi lama Magacaabayso Guddida Fulinta”




Mujaahid Maxamed Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi  “Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad ee Kulmiye Mujaahid Maxamed Kaahin Axmed ayaa xusay in hadii ay xal noqonaysa in isaga iyo Muuse Biixi la xidho isla markaana ay Somaliland ku gaadhayso ay diyaar u yihiin




 “Madaxweyne dhibaatada ku haysa iyo dagaalka Xisbiga KULMIYE ee jira ee Wasiiradaadu kow ka yihiin,Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland Xilka golaha Wasiirada waxa uu u tilmaamaya Xubinta golaha Wasiirada ahi waxay Madaxweynaha u matashaa Hawlaha uu u xil-saaray,Wasiirada ku yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar waa dagaale dhinac raac dabadeed xalay loo eryay waxay rabaan in uu KULMIYE u burburo sidii uu bur-buray Xisbigii UDUB,laba nin ayaa saaka ila soo hadlay midi waxa uu igu yidhi xalay ayaanu erinay Maxamed Cabdilaahi Cumar,mid kalena waxa uu igu yidhi RRU-dii ayaa heegan la galiyee Miyaan la idin Xidhin adiga Iyo Muuse Biixi,Haduu Xisbiga KULMIYE janada ku galaayo Xadhiga Aniga iyo Muuse Biixi Cabdi labadayaduba jeelkaanu is gaynaynaa”.




Khilaaf sii socda




Khilaafka Xisbiga ayaa u muuqda mid cirka isku sii shareeraya oo aanay wali dhinacyadu xal ay isugu yimaadaan ka fikir, iyadoo qolo waliba ku sii adkaysanayso mawqifka ay taaganyihiin.




Xukuumadda ayaa doonaysa in la socodsiiyo Liiskii ay Habeen saddexaad soo saartay ee Golaha Dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbiga.




Hogaanka Xisbiga oo cadaadis la saaray




Sida ay sheegayaan ilo wareedyo ka qayb galay Shir doceed xalay ka dhacay Magaalada Hargeysa oo ay ka qayb galeen aqoonyahano iyo waxgarad ka mid ah Taageerayaasha guddoomiyaha Xisbiga Muuse Biixi, cadaadis ayaa hogaanka Xisbiga lagu saaray inay ku dhawaqaan Golle dhexe iyo Guddi fulineed oo kale.




Taageerayaasha hogaanka Xisbiga ee uu Muuse Biixi hogaaminayo, ayaa soo jeediyay inay shaaciyaan Liiska Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee ay soo dhiseen, taasoo ay ku doodayaan inay sharciyan awood u leeyihiin, siiba Guddida fulinta.




Ilo-wareedyadan oo ay Gobanimonews ka heshay xubno ka mid ah dadkii ka qayb-galay, waxa kale oo kulankaasi laga soo jeediyay in la sameeyo banaanbaxyo lagaga soo horjeedo faro-gelinta xukuumaddu ku hayso xisbigan ka soo kabanaya culayskii shirweynaha saddexaad oo dirqi lagu qabtay, kaddib muran iyo jallaafooyin siyaasaddeed oo turunruro ka soo gaadhay.




Hogaanka Sharciga ah




Sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Xisbiga Kulmiye iyo xeerka asxaabta iyo Doorashooyinka Somaliland hogaanka xisbi kasta waxa lagu dooranayaa Shirweyne tartan ama tartan la’aan.




Hogaanka xisbiga ee hada waxa lagu doortay shirweynihii qabsoomay 28-kii Bishii April oo ay ka qayb galeen in ka badan kun ergay.




Sidaasoo ay tahay waxa lagu bedeli karaa uun Shirweyne Xisbigu yeesho, kaasoo lagu ansixinayo hogaanka, Guddida fulinta iyo Golaha dhexe intaba.




Maxaa loolanka keenay?




Loolanka haatan socda ayaa waxa loo aanaynayaa laba qodob inuu ku sal leeyahay,kuwaasoo midkood Musharax Madaxweynaha ee shanta sanadood ee soo socda lagu kala riixanayo.




Madaxweyne Siilaanyo, ayaa caddeystay inuu mar kale isu soo taago Madaxweynaha waddanka, halka Muuse Biixi  sheegay inuu xisbiga dhexdiisa kula tartami doono doorashada Musharax.




Taasi waxay keentay inay labada dhinac ku hirdamaan soo xulida Golaha dhexe oo hadba kii ku awood bataa helayo aqlabiyadda Golaha dhexe.




La soco wixii ka soo kordha iyo qormooyin kale …