Saturday, May 24, 2014

Suldaan Xiiray: Odayaashii Soomaaliya way nabad tageen dalkoodii hooyo”


MadaxdhaqameedHargeysa(GNA)- Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa ka waramay in Odayaashii Dhaqanka Soomaaliya ay guud ahaantood dib ugu noqdeen dalkoodii hooyo oo ay nabad tageen




Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey oo maanta Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxa uu sheegay inay nabad ku gaadheen dalkoodii odayaashii dhaqanka Soomaaliya ee Todobaadyadii ugu danbeeyey Booqashada ku joogay Somaliland




 Suldaan Xiirey oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “ Odayaashii Dhaqanka Soomaaliya Saaka ayey ku nabad noqdeen dalkoodii hooyo iyadoo caleemo qoyan lagu qaabiley oo Suldaan walbana waxa soo dhaweeyey Beeshiisii iyo Xildhibaankiisii nin waliba saacadan waxa uu ku sugan yahay gurigiisii waanay nabad qabaan”




Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey  ayaa waxa uu markale mahadnaq u direy Hogaanka Dhaqanka Soomaaliya isaga oo arintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi " Waxan halkan Mahadnaq balaadhan uga soo jeedinayaa mar labaad iyo mar sadexaadba odayaasha xilkaska ah ee ka yimi bahda dhaqanka Soomaaliya ee sida qiimaha iyo walaalnimada leh uga falceliyey waxyaabihii ay kala kulmeen bulshada reer Somaliland iyo sidoo kale sida ay u qiimeeyeen qadiyada qaran-nimada Somaliland "




Suldaan Xiirey oo wax laga weydiiyey Muga iyo Miisaanka uu yeelan karo aqoonsiga ay ku dhawaaqeen odayaasha dhaqanka Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay inay aad ugu hanweyn yihiin in aqoonsigani noqdo mid anfacaya Qaranka Soomaaliya isla markaana ay yihii cidii sida dhabta ah ay wax uga dhexeeyeen bulshada caalamkuna ku xidhaysay aqoonsigooda isla markaana ay Siyaasiyiintooda iyo bulshadooda kalena ay ku matalayeen go’aankooda




Suldaan Xiirey waxa uu eedo kulul usoo jeediyey Siyaasiyiinta Somaliland isagoo fariin culusna u maray warbaahinta isagoo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “ hadaanu nahay Salaadiinta Dhaqanka Somaliland waxaanu keenay wax Qarankan Somaliland u dana ee keena wax waxtar u ah dalka iyo dadka isla markaana ka joojiya beenta iyo borobagaandada waxqabadka hogaanka dhaqanka Somaliland oo hadaanu nahay Hogaanka dhaqanka anagaa dhisnay Dalkan anagaa heshiisiinay Beelaha wada dega anagaa ciidamada iyo dawladaba dhisnay”




Dhinaca kale Sul.Xiirey ayaa waxa uu fariin culus u diray Xukuumada iyo Barlamaanka iyo dhamaan Shabiga Reer Soomaaliya Inay ku qancaan go'aankaa ay hogaankooda dhaqanku u gudoomiyeen ee ay ummadda reer Somaliland ku karaameeyeen kuna sharfeen ila markaana ay iyana dhankooda wanaaga iyo walaltinimada ka giijiyaan si ay labadeena dawladood dhaqan iyo bulsho isku kaashaday una wada xaliyaan dhibka baahsan ee hada ku hareeraysan Mandaqada




 




Afhayeenka Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey waxa uu sidoo kale Fariin kulul u direy Ururka Qaramada midooobay ,IGAD dhamaan dalalka Dariska la ah Somaliland iyo Guud ahaanba Bulshada Caalamka inay is garabtaan Qadiyada Madaxbaanida Somaliland isla markaana ay ku dhawaaqaan aqoonsi buuxa maadaama oo shuruudii ay ku xidhi jireen awal ee ahayd Walaalihiina Soomaaliya Soo wada hadla ay hada meesha ka baxday