Monday, May 26, 2014

Xuska Micraajka iyo Hargeysa


mucraajCaasimadda Somaliland ee Hargeysa, ayaa maanta lagu qabtay Munaasibad ballaadhan oo lagu xusayey habeenkii Nebigeenna Muxamed (CS) la Dheelmiyey ee LAYLATUL MICRAAJ.




Xafiisyada Dawladda iyo goobaha kale ee shaqada ayaa fasax ahaa maanta, weynayntan maalintan awgeed.




Munaasibaddan, ayaa waxa ka qayb-galay boqollaal dadweyne ah, culimada Diinta, Wasiirkii hore ee wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland ee xukuumaddii Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, Sheekh Aayatul iyo culimo kale oo badan.




Culimada, ayaa halkaasi ka soo jeediyay Taariikhda habeenkii Nebigeenna La Dheel-miyey ee Layatul Micraajka, habeenkaasi oo ahayd habeenkii Alle (SW) uu ummadda Nebi Muxamed ku soo waajibiyey Shanta salaadood.




Waxayna Culimadii halkaasi ka hadlay qaarkood soo jeediyeen in carruurta lagu barbaariyo Jaceylka Nebigeenna Suuban ee Muxamed (NNKH), si ay ugu barbaaraan Jaceylka Nebiga.




Intaasi ka dib, ayaa dadweynihii Xafladda ka qayb-galay iyo culimadu halkaasi ku soo bandhigeen ama ka qaadeen Qasaa’id Nebi amaan ah, kuwaasi oo soo jiitay dadweynihii madasha fadhiyey.




 Xaflado noocan oo kale ah, ayaa lagu qabtay meelo badan oo ka mid ah Somaliland.




Khaalid Xamdi Axmed




Gobanimonews




Hargeysa Office