Wednesday, May 28, 2014

Haweenka Kulmiye oo Madaxweyne Siilaanyo la Garnaqsaday. dhegeyso


DSC03722Garabka Haweenka ee Xisbiga talada haya ayaa Taageero buuxda u muujiyay Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee la gil-gilayo.




Shir ay Maanta ku yeesheen xarunta Xisbigaasi ee magaalada Hargeysa ayay Madaxweyne Siilaanyo iyo xukuumadiisa ugu baaqeen inay hogaanka Xisbiga ka daayaan gujo-gujeynta iyo inqilaabka.




Waxa kale oo ay sheegeen inay Taageeo hiil iyo hooba ah la garab taaganyihiin Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin garabkooda.




Shirkaasi waxa hogaaminayey Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee heer qaran ee Xisbigaasi Marwo Canab ileeye.




Halkan ka dhegeyso dhawaaqyo garnaqsi ah oo ka soo yeedhay Garabka Haweenka ee Xisbiga Khilaafku hadheeyay.[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Haweenka-Kulmiye.mp3"][/audio]