Sunday, May 25, 2014

Burco: Kufsiga iyo Tacadiyada Haweenka oo lagaga hadlay Shir


un_logoBurco(GNA)-Kulan lagaga hadlayay Hirgalinta iyo Adeega Xarunta Baahi koob oo ah Xarun loogu adeego Haweenka  loo gaysto kufsiga iyo tacadiga haweenka ama dadka laga awooda roonyahay ayaa lagu qabtay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Burco.




Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Hay,ada UNDP isla markaana ay iska kaashadeen wassaarada caafimaadka,Cisbitaalka Guud ee magaalada Burco,kulankan ayaa waxa kasoo qaybgalay Madaxda wasaarada Caafimaadka ee Gobolka Togdheer,Xeer Ilaalinta,Madaxda Booliska,Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka,masuuliyiinta Xarunta Baahi koob,Bulshada kale ee ay Khusayso,ayaa waxa   lagu lafa Guray sidii loo yarayn lahaa tacadiyada iyo Kufsigu. waxaan kulankaas ugu horayn ka hadlay isla markaan qaylo dhaan ka jeediyay  Agaasimaha Cisbitaalka Burco C/qaadir Muruqliqe waxaanu yidhi'' waxaa jira aafo wayn oo ah kufsi Xoog ah iyo far xumayn faraha ka baxday,inaga waxaa laynooga baahanyahay in dadka la wacyi galiyo oo cidii hawshaas wada lays barabartaago,waana muhiim in cida danbigan samaysay ee u badheedhaysaa ay mutaan ciqaabtii,marhadii mujtamac ay aafadani ku faafto waa khatar furfuran ayaa ku dhac oo nabada ayaa khatar gasha sidaas awgeed waa inay bulshadu kasoo hor jeesataa oo gacmaha isu qabsataa sidii loo joojin lahaa.




Taliyaha CID da Cali Jaamac malaw oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi''Marka qof dumar ah la Kufsado dibaato ayaa ku dhacday oo waa qof dhibaato haysato markaas odayaal ayaa arinkii gala oo qofkii tacdiga ku sameeyay ayaa dib loogu xidhaa oo tacadi labaad loo gaystaa inta maxkamadaha culays la saaro ayaa la yidhaahdaa dibadaanu ku dhamaysananaynaa ,Bulshadu arintaas waa ku wada dhaqantaa ee waxaan leeyahay hala aamino Maxkamada, Booliska iyo Kooxda Baahi koob ee tacadigan ku shaqo leh.




Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka G/Togdheer Xuseen Aw Diiriye oo ka hadlaya dhibaatada uu kufsigaasi leeyahay ayaa yidhi''dhibaatooyinka hada jira waxaa ka mid ah kufsi wadareed dhaqankeena kumuu jirin  waayo gabadhu hadii ay is difaaciu lahayd uma suuroobi karto,waxaan leeyahay hablaha inay digtoonaan dheeraada u yeeshaan oo had iyo jeer xiliga iyo goobaha ay marayaan ilaaliyaan maadama u dhaqankan kufsigu soo batay,sidoo kale waa in bulshadu waa inay iska wacyi galisaa sidii loo yarayn lahaa kufsiga sidoo kale waxaan leeyahay yaan laysu meherinin dadka kufsiga isugu taga.




Xeer ilaaliayaha Gobolka Mr-Jamaal,C/xakiin oo ka socday Hay,ada UNDP,Dr-Raaxo oo ka mid ah Gudiga baahi koob oo dhamaantood kulankaas ka hadlay ayaa sheegay in Bulshada laga wacyi galiyo sidii loo joojin lahaa Kufsiga.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office