Monday, May 26, 2014

Bandhig Carweedka Buugga Samotalis iyo Hargeysa


SamolaisNaadiga Qoraayada iyo Hal-abuurka Somaliland (Somaliland PEN) waxa uu ogesiinayaa bulshada reer Hargeysa in berri,  Isniin 26ka Mey, 2014ka lagu qabanayo hoolka shaqaalaha dawladda Somaliland munaasibad lagu bandhigayo diiwaanka SAMO-TALIS: Taariikhda Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf, laguna daah-furayo Akadamiga Suugaanta, Waxbarashada iyo Cilmi-baadhista GEESKA.




Waxa sidoo kale lagu gunaanadayaa koobka nabadda oo muddo ka socday garoonka Guryosamo ee Hargeysa.




Madasha waxa aad ka helaysaa buugaag qiimo-jaban oo isugu jira $5-$10 oo ay qalin-maalka Somaliland qoreen.




Waa fursad hal maalin ah! 09:00-ka arooryo ayay bilaabmaysaa haddii Alle idmo. Kala xidhiidh wixii faahfaahin ah 0634428604, 0634327382, 0634034600