Saturday, May 31, 2014

Cismaan Firix firix:Khilaafka Kulmiye waa Dhuxul dambas huwan”.


fasssssssHargeysa(GNA)-Siyaasiga Cismaan Yuusuf Xuseen (Cismaan Firix firix) oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa si kulul u naqdiyay khilaafka ka dhex jira Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, Xaalada Dalku uu marayo, Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaarada Arimaha Guduhu oo la xidhay, Shirarka ay qabanayaan labada garab ee isla Xisbiga Kulmiye iyo aragtidiisa la xidhiidha Xalka ugu wanaagsan ee Khilaafkaasi laga gaadhi karo.




 Cismaan Yuusuf Xuseen (Firix firix) oo ka hadlaya khilaafka kulmiye ayaa sheegay in khilaafka ka dhex qarxa Xisbiga Talada hayaa aanu la mid ahayn khilaafyada kale ee Xisbiyada Mucaaridka ah oo uu ka wayn yahay isla markaana ka saamayn badan yahay,Xisbiga Kulmiyena uu yahay Xisbi tacab badan iyo Maal badani uu ka galay oo aanay marnaba u dul qaadan doonin in Xisbiga la burburiyo, waxaanu u soo jeediyay dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyaa in ay si deg deg ah xal uga gaadhaan khilaafkaasi.




 Isaga oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Khilaafka soo dhex gala Xisbul Xaakimku waa ka wayn yahay kana saamayn badan yahay khilaafka Xisbiyada Mucaaridka ah, Cidda kaliya ee Maanta ay sida gaarka ah u taabanaysaa waa Ragayagii ugu dambeeyey ee Xisbiga Tacabka wayn galiyay ee Hantidoodii, Muruqoodii iyo Maskaxdoodiiba galiyay”.




 Sidoo kale, Siyaasiga Cismaan Yuusuf Xuseen (Cismaan Firix firix) oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye isla markaana ka tirsanaa Musharaxiinta Golaha Deegaanka  Gabiley uga sharaxnaa Xisbiga Kulmiye ee aan ku soo bixin Doorashadu, waxa uu si adag ugu jawaabay Xubno Wasiiro iyo  Xildhibaan Cabdillaahi Black kuwaasi oo dhawaan sheegay in lagu kala bixi doono Xeer No.14 isla markaana eedeeyey Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.




“ Ninka indhaha ka lalilanaya Xeerkii Xisbiga Kulmiye, waxaan u arkaa, Qoladii Reer Bani’israa’iil ee Quraanka qarin jiray inta iyaga khusaysa, inta kalena akhriyi jiray. Xildhibaan Cabdillaahi Black-na waxaan leeyahay kuumaanu dooran in aad Madaxwaynaha qodoxda ka gurtid ee waxaanu kuu dooranay in aad ka shaqayso danta Qaranka iyo ta gaarka ah ee Reerka” ayuu yidhi.




 Ugu dambayn Siyaasi Cismaan Firix firix ayaa hoosta ka xariiqay hadii ay qabsoomaan Labada shirwayne ee ay labada dhinacba ku kala baaqeen in ay keeni karto Burbur Dalka ku yimaada, waxaanu Madaxwayne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse biixi u soo jeediyay in ay si fool ka fool ah isku soo hor fadhiistaan si deg deg ahna xal uga gaadhaan khilaafkaasi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com