Monday, May 26, 2014

Milito : Di Maria Waa Furaha Guusha Xulka Argentina Ee Koobka Aduunka.

Diego Milito ayaa sheegay in ciyaaryahankii u horseeday Real Madrid inay hanato Champions League ee Angel Di Maria uu noqonayo laf dhabarta xulka qaranka Argentina ee ka qayb gallaya koobka aduunka sanadkan ka qab soomaya Brazil.

Iyadoo uu Milito aaminsan yahay in Lionel Messi iyo Sergio Aguero ay yihiin madaafiicda safka hore ee xulka lagu naanayso Albiceleste, hadana sidoo kale wuxuu weeraryahanku rumaysan yahay in Di Maria uu noqon karo furaha guusha ee xulka qarankiisa.

“Sanad aad u qaali ah ayuu la qaatay Real Madrid – oo uu ugu dambeyntiina kula guuaystay Champions League – Waxaanan rajaynayaa inuu qaab ciyaareed kaas la mid ah ku soo bandhigi doono ciyaaraha koobka aduunkana,” ayuu yidhi laacibkan 34 jirka ahi.

“Khibradii uu ka dhaxlay koobkii aduunka ee ugu dambeeyey oo isaga shaqsiyan wax fiican u tartay, waxaan aaminsanahay inuu koriin caqli iyo mid jidheedba sameeyey intii ka dambaysay oo uu ka kalsooni badan yahay sidii hore.

“Waxaan qabaa marka laga tago Leo Messi iyo Kun Aguero, In Di Maria yahay laacibka xulka qaranka Argentina ee cabsida weyn ay ka qabaan difaacyahanadu.”