Faahfaahin ayaa ka soo baxaysa laba Qarax oo Caawa Fiidnimadii ka dhacay Hudheel Ajaanibku Khamrada ku cabaan oo ku yaalay badhtamaha Magalada Jibouti.
ugu yaraan 2 Ruux ayaa ku dhintay Qaraxyadaasi, 11 kalena waxa ka soo gaadhay dhaawacyo, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen dad goob-joogeyaal ah.
Ammaanka ayaa la dkeeyay Magaalada, waxaana goobta qaraxu ka dhacay soo gaadhay Ciidamo amniga ah.
Djibouti ayaa waxa Saldhigyo Milateri ku leh Ciidamada Maraykanka, waxaanay saldhig u tahay la socodka dhaqdhaqaaqa Geeska Afrika ee Maraykanka.
ma jirto cid sheegatay Weerarkan, wallow la tuhunsanyahay Kooxaha Soomaaliya ka dagaallama ee Al-shabaab oo Milateriga Jibouti ee Amisom ka tirsan dagaallo kula galay gudaha Soomaaliya.
ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Dawladda oo faahfaahin ka bixinaya sida wax u dhaceen,
Dalkan xeebta ku yaala ayey adagtahay in la helo wararka, cadaadis dhanka warbaahinta ah dartii.
Wararka laga helayo goobta qaraxyada ka dhaceen ayaa sheegaya inuu fuliyay Nin iska soo dhigay ruux dumar ah oo gudaha u soo galay HUDHEELKA.
Weerrarkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee laga fuliyo gudaha waddankan, tan iyo markii ay Ciidamada Jibouti ku biireen Hawl-galka AMISOM ee Somalia.
la soco wixii ka soo kordha..