Muqdisho(GNA)-Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan Al-Shabaab gudaha u galeen xarunta Golaha Shacabka halkaasoo ay ka dhacayso Rasaas teel teel ah.
Qarax xoogan ayaa ka dhacay xarunta golaha Shacabka ka hor intaanay soo bixin wararka sheegaya inay gudaha u galeen Dagaalyahanada Alshabaab xarunta Baarlamanka.
Sida ay xaqiijinayaan wararka meesha ka soo baxaya xaalada ayaa ah mid cakiran , Ciidamo tiro badan oo katirsan Dowlada iyo AMISOM ayaa hareeyay xarunta Golaha Shacabka.
Wariyeyaal ku sugan ayaa sheegaya inay maqlayaan rasaas teel teel ah oo ka socota gudaha xarunta.
Shirarka Baarlamanka ayaa u socday si caadi ah.
Ma jirto ilaa hada wax khasaare ah oo la shaaciyay inuu ka dhashay weerarkan.