Saturday, May 24, 2014

Weerrarka Xarunta Baarlamanka: Al-shabaab oo sheegatay iyo Dawladda Hanjabtay.live


Wali tiro sugan lama hayo oo ku saabsan dhimashada iyo dhaawaca..




REYSALMuqdisho(GNA)-Alshabaab ayaa sheegatay Weerar  lagu qaaday Xarunta Baarlamanka Somalia saacado ka hor.




Weerar Qarax iyo foolka fool u dhacay ayaa lagu qaaday xarunta Baarlamanka xili fadhigii Maantu ka socda halkaas.




Khasaaraha




Warar hor dhac ayaa sheegaya in dhimasho iyo dhaawac tiro badani ka dhashay weerarkaas, kaasoo u badan xidlhinaanadii xarunta Baarlamanka ku jiray.




Dhawr iyo toban qof oo xildhibaano ku jiraan ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen weerrarkan




Afhayeenka Al-shabaab




Afhayeenka dhinaca howlgalada ee Al-Shabaab Shiikh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay inay weerarkaasi fuliyeen dagaalyahano ka tirsan Xooggaga ururkoodu.




 “Ciidanka Mujaahidiinta ayaa Howlgal ka wada xarunta golaha Dawaaqiidda ee magaalada Muqdisho Khasaara badan oo cadawga gaaray ayaa jira” ayuu yiri Abuu Muscab oo la hadlay Reuters.




Afhayeenka u hadlay Alshabaab ayaan faahfaahin intaas ka badan bixin.




Dawladda oo ka hadashay




Wasiir ku xigeenka Amniga dawladda Federaalka Ibraahim Yerow Isaaq, ayaa ideecadda Dawladda u sheegay  in la soo afjaray weerarkaasi.




Wasiirka ayaa intaasi ku daray inay Khasaaraha ka dhashay weerarka gadaal ka soo sheegi doonaan.




Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa sheegay inuu weerarkii maanta lagu qaaday xarunta Baarlamaanka ahaa mid ay soo maleegeen kooxo dhagar qabayaal ah.




Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku amaanay Ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM sida degdegga ah oo ay uga jawaabeen weerarka ka dhacay xarunta Baarlamaanka, wuxuuna sheegay in dhammaan xubnaha Baarlamaanka la xaqiijiyay halka ay ku sugan yihiin.




 “Waxay argagixisadu maanta mar kale muujiyeen inay cadow ku yihiin dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyagoo dil ku wada walaalheenna aan waxba galabsan. Ficilladan fulaynimada ahi sal iyo raad midna kuma lahan diinteenna Islaamka.




“Ciidamada amnigu waxay muujiyeen iska caabin xoog leh,waxaana ay wali ka shaqeeynayaan inay sugaan amniga aagga”ayuu yiri.




Reysal-wasaaraha ayaa tacsi u diray dadkii ku geeriyooday goobta“Anigoo ku hadlaya magaceeyga, kan Madaxweynaha iyo dhammaan xubnaha Baarlamaanka, waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dadkii ku




geeriyooday weerarkii maanta. Waxaan sidoo kale Ilaahay uga baryaynaa inuu siiyo caafimaad taam ah dadkii ku dhaawacmay.




 




Ugu dambeyn wuxuu ku hanjabay“Weerarkan iyo ismiidaaminta ay wadaan nabad-diidku kama joojinayaan Xukuumadda Federaalka inay sii waddo ugaarsiga argagixisada iyo inay ka horjoogsato xumaanta ay damacsan yihiin”




Sidda wax u dhaceen




Qarax ayaa ka dhacay Afaafka hore ee xarunta Baarlamanka, waxaana goobta ka kacay qiiq iyo Urro, sida ay goob-joogeyaal caddeeyeen.




Qaraxa kaddib, rag hubaysan ayaa gudaha u galay xarunta Baarlamanka, waxaana la maqlayay rasaas tiro badan.




HALKAN KA DAAWO:




Ciidamo ka socda Dawladda iyo kuwa AMISOM, ayaa dusha ka qabsaday xarunta la wareeray, iyadoo ay gudaha xabaddu ka dhacayso.




Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalkay ayaa ku sugnaa marku weerarku dhacay  Wasaaradda Gaashaandhigga oo wax yar u jirta xarunta la weeraray.




Dad badan oo Ciidan, Masuuliyiin iyo rayid isugu jira ayaa ku waxyeeloobay weerarka.




Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu dhaliilayaa ammaanka Caasimada oo aad moodo inuu faraha ka sii baxayo.




Xooggaga alshabaab saddex sannadood ka hor laga saaray Muqdisho ayaa hada si tartiin tartiib ugu soo xoogaysanaya gudaha Magaalada.




Weerarkan ayaa noqoya kii ugu cuslaa ee ay ka fuliyeen Magaalada, labadii bilood ee ugu dambeeyay.




Waa weerar la mid ah kii ay ka fuliyeen Madaxtooyada horaantii sanadkan.




La soco wixii war ka soo kordha….