Monday, May 26, 2014

Brendan Rodgers Oo Heshiis Cusub U Saxiixay Liverpool.

Kooxda Liverpool ayaa ku dhawaaqday in Brendan Rodgers uu saxiixay heshiis cusub oo dheer, taasoo abaalmarin u ah guulihii uu gaadhsiiyay kooxda labadii xilli ciyaareed ee u danbeysay.

Liverpool ayaana xaqiijisatay mustaqbalka macalinkooda da’da yar kaasoo ka caawiyay inay ku soo laabtay Champions League ka dib markii ay ku dhameysteen kaalinta labaad ee horyaalka Premier League.

Milkiilaha kooxda John Henry iyo gudoomiyaha kooxda Tom Werner ayaa hadal ay si wadajir ah u soo saareen waxaa lagu yidhi: “Waxaan nasiib weyn ku leenahay inaan heysano nin tayo leh oo hogaaminaya kubadayada, waxaana aamin ku qabnaa inuu soo gudbin doono aragtida aan la wadaagno Liverpool Football Club.

Rodgers ayaa isna yidhi: “Waan ku sharfanahay in fursad la ii siiyo inaan dheereysto waqtigeyka kooxdaan weyn. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dhiso aasaaskaan, waxaana u dhaqaaqeynaa wajiga labaad ee xiga kaasoo I farxadgelinaya.”