Thursday, May 29, 2014

Hargeysa: Dad Taageersan Guddoomiyaha Kulmiye oo la xidh-xidhay + Sawirro


DSC03727    Hargeysa(GNA)-Waxa Magalada Hargeysa laga qabqabtay Mawaadiniin Gawaadhi ay wateen ku dhejiyay Istiikaro uu ku sawiranyahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.DSC03728




Mawaadiniintaasoo Taageero u muujinayey  Guddoomiyaha Xisbigaasi, ayaa Bilaysku ku qabteen goobo kala duwan saaka.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo la xidhiidha sababta dadkan loo xidh-xidhayo, hase ahaatee sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah dadka lagu qabsaday astaamahan ay Baabuurta ku dhejiyeen.




Loolanka khilaafka abuuray ee xisbiga Kulmiye ka dhex aloosan ayaa u muuqda mid marba marka ka dambeysa cirka isku soo shareeraya, kaasoo ay xukuumaddu qaadayso talaabooyin ay caddaadis ku saarayso Taageerayaasha hogaanka Xisbigaas.




“waxa lagu haystaa wuxuu gaadhigiisa ku dhejiyey Sawirka Muuse Biixi, waxaaasi waxay abuuraysaa kacdoon iyo xumaan”sidaas waxa Gobanimonews u sheegay mid ka mid ah dadka arrintan walaaca ka muujiyay.DSC03731




Mid kale oo taagnaa goob uu yaalay Gaadhi Sawirka Muuse Biixi ku dhegsanyahy oo Ninkii watay la xidhay ayaa yidhi “hadii sidan lagu sii socdo xaaladu way xumaanaysa, iminka Ninkan waxa lagu xidhay oo Bilaysku ku kaxaysteen Gaadhigaaga ayaad Istiikaro ku dhejisay”.DSC03730




Ninka la xidhay ayaa watay Gaadhi Inadho cadde ah oo lagu Istiikar ay ku qorantahay “waanu Taageersanahay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi”.




Taageerayaasha Garabka Muuse Biixi ee Xisbigaasi, ayaa u muuqda kuwo dareenkoodu kacsanyahay, isla markaana doonaya inay iska caabin siyaasi ah kala hortagaan garabka Xukuumadda ee Madaxtooyada laga maamulayo.




Si kastaba ha ahaatee arrimahan ayaa dhacaya, xili ay dhexdhexaadin ku hawlanyihiin Guddi Golaha Guurtidu u saaray xalinta khilaafkan sii xumaanaya ee Xisbiga Talada dalka .DSC03729




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com