Thursday, May 29, 2014

Shirkadda Golis oo haddiyad guddoonsiisay Suldaanka Beelaha Meheri ee dega Jasiirada Suqadra.


Hoos ka Daawo Sawirro badan oo ku saabsan Munaasibada lagu caleemo saaray Boqorka Daarood...




image018Boosaaso(GNA)-Shirkadda isgaarsiinta Ee Golis Telecom Somalia  ayaa  haddiyad qaali ah ugu deeqday Suldaanka Beelaha Meheri iyo Suqadara ee dalka Yemen




Shiradda ayaa haddiyad qaali ah kala siisay Suldaan Cabdalla Al-Cafraar iyo Sh.Yuusuf oo ah kaaba qabiilka beelaha Meheri ee daga jasiiradda Suqadra iyo Gen.Al-Xiraysi oo ah abaan duulaha cidamada ilaalada xudduuda Yemen oo dhammaantood ka soo jeeda Beesha Meheri Ee dalka Yemen.




 haddiyadan oo ka koobnayd khayraadka dhulka Soomaalida u gaarka ah ayaa waxaa guddoonsiiyay Madaxa Hoggaanka Ganacsiga Ee shirkadda Golis Mudane Cumar Ciise Maxamed.image012(1)




Haddiyadaas qaaliqa ah ayaa wafdiga Meheri Ismaaciil ee soo booqday degaanada Puntland si ay uga qayb galaan caleema saarkii boqorkii 34-aad ee beelaha Daarood.




Wafdiga Meheriga ayaa intii uu joogay dalka waxa uu la kulmay qaybaha kala duwan ee bulshada,shirar gaar ahna la yeeshay beesha Meheri ee degaanada Puntland.




shirkadda Golis ayaa  ku caan baxday fur furnaan iyo  xiriirka ay la leedahay bulshada  , taasoo ay ku kasbatay in bulshadu ugu yeerto  halkudhegga ah "ISGAARSIINTA GEYIGEENA" .




waxaa xusid mudan in shirkadda Golis ay door lixaad leh ka soo qaadatay baahinta iyo sidii caalamku ula socon lahaa doorashooyinkii ka dhacay Puntland .




caleema saarkii madaxweynaha Puntland iyo weliba caleemasarkii Boqorka beelaha Daarood .




Gobanimonews




Garoowe Office




Email: editor@gobanimonews.com




image002 image004(1) image004 image008(1) image008 image010  image012  image016(2) image016