Tuesday, May 27, 2014

Garabka Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye oo ku dhawaaqaya Golle dhexe oo cusub


Hargeysa(GNA)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah garabka Muuse Bixi ee Kulmiye ayaa Maanta ku dhawaaqay inay Liiskii Golaha dhexe ee Xisbigaasi Maanta soo saarayaan.




Sidoo kale, waxa uu iclaamiyay inay Golaha dhexe ee Maanta lagu dhawaaqayaa shirkoodda ugu horeeya qabsanayaan 31 Bishan oo ku beegan shan maalmood kaddib.




Shir-jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Xisbiga ayuu sidoo kale xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Jawaab adag kaga bixiyay hadalkiisa ka soo yeedhay shalay garabka Xukuumadda ee uu hogaaminayo Madxweyne ku-xigeenku.




Xildhibaanka ayaa sheegaya in yooyootanka garabka Xukuumaddu uu yahay inqilaab xisbiga lagu samaynayo, waxaanu caddeeyey in hogaanka Xisbiga talada hayaa ee Kulmiye ay u madaxbanaanyihiin hawlahooda.




Dhinaca kale, xubno ka mid ah Garabka Haweenka ee Xisbigaasi oo hadlay ayaa si adag ugu digay Madaxweyne Siilaanyo iyo  xukuumaddiisa, waxaanay caddeeyeen inay taageero buuxda u hayaan Hogaanka Xisbiga, una arkaan faro gelinta xukuumadda inqilaab cad.




Xubnahan oo ay hogaaminaysay Guddoomiyaha Garabka Haweenka ee heer qaran Marwo Canab Ileeye, ayaa Madaxweyne Siilaanyo u soo jeediyey inuu xisbiga ka daayo faro gelinta .




“Madaxweyne Siilaanyo waxaan  leeyahay maanta gacantaada ayay ku jirtaa taladii Xisbiguye ku dumi ama ka daa”sidaasi waxa warbaahinta ka sheegtay marwo Canab ileeye.




Xubno kale oo iyaguna halkaa ka hadlay ayaa caddeeyey inay Taageero buuxda la garab joogaan hogaanka Xisbiga, ogolayna Inqilaabka xukuumaddu ku hayso labada Masuul ee ugu sareeya.




La soco warkan oo dhamaystiran goor dhow.