Wednesday, May 28, 2014

Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland oo Xilkii wareejiyay.Dhegeyso


“Ganacsiga dalku wuxuu ku urruursanyahay dhawr Shirkaddood oo qudha, waxaana loo baahanyahay in la baadhiyo”Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar




Hargeysa(GNA)-Wasiirkii hore ee Ganacsiga Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar ayaa xilkii wasiirnimo ku wareejiyay Masuulka cusub ee lagu bedelay, munaasibad ka dhacday xarunta Wasaaradaas ee Magaalada Hargeysa.




Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa todobaadkii hore xilka ka qaaday Wasiirka hore Maxamed Cabdilaahi Cumar oo horena u ahaan jiray Wasiirka Arrimaha dibada iyo Xidhiidhka Caalamiga ah.




Dr. Cumar, ayaa xilka looga qaaday sababo la xidhiidha khilaafka Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo uu ka leexday dhanka xukuumadda iyo Madaxweynaha taabacsan, isagoo ka mid ahaa Shir-guddoonkii Shirweynaha saddexaad ee xisbigaasi.




Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka hadlay Munaasibada uu xilka ku wareejiyay, ayaa sheegay inuu wax badan qabtay muddo sanad ah oo uu Wasaaradda joogay, muddadaasoo uu tilmaamay in waxyaabaha u qabsoomay ay ka mid yihiin dhamaystirka Siyaasadda kala xadeynta Ganacsiga.




Raadinta Maal-gashiyo Caalami ah iyo Dhiiri gelinta Ganacsiga dhexe iyo ka hoose ayuu sheegay inay Wasiiraddiisu ka duulaysay intii uu joogay, isagoo wasiirka bedelayna kula taliyay inuu dhaqan geliyo siyaasadda kala xaddeynta Ganacsiga.




Wasiirka hore ayaa yidhi “waxaad moodaa in Ganacsiga waddanku ku uruuray dhawr shirkaddood oo qudha, loona baahanyahay in la balaadhiyo, iyadoo la dhiiri gelinayo shirkadaha waaweyn”ayuu yidhi.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Wasiirkii-Ganacsiga.mp3"][/audio]




Khaalid Xaddi Maxamed




Gobanimonews




Hargeysa Office