Monday, May 26, 2014

Saraakiisha Ciidamada XDS oo Warfaafinta ka dalbaday inay gacan ka geystaan Sugida amniga


warfaafinsMogadishu, 26 May 2014 – (GNA)-Wasiirka Warfaafinta Mudane Mustaf Dhuxulow ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/G Daahir Cilmi Adan (Indho-Qarsho), oo ay wehliyaan Taliyeyaasha Ciidanka Badda Admiral Madey Nuurey Sheekh Ufurow, Taliyaha Ciidanka Cirka S/G Duuliye Maxamud Sheekh Cali (Doble Pilote), Hogganka Saadka G/Sare Cabdullahi Macalin Nuur iyo saraakiil kale. Wasiirka waxaa ku wehliyey kulanka Agaasimaha Guud, Agaasimaha Warbaahinta, Agaasimaha Radiyo Muqdisho iyo La-taliyeyaasha Wasiirka.




Ujeedada kulanka ayaa ahaa sidii Howlgalada Ciidanka ee socda ay u noqon lahaayeen kuwa dhanka warbaahinta kaalintiisa uu ka qaato iyo sidii XDS iyo wasaarada ay isaga kaashan lahaayeen arrimaha sugidda amniga, wacyigelinta bulshada iyo sidii bulshada ay uga qeybqaadan lahaayeen difaaca dalka iyo sugidda amniga.




Wasiirka oo kulankaa ka hadlay ayaa yiri “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in Taliyaha Ciidanka XDS iyo Saraakiisha XDS inaan xafiiskeyga ku qaabilo oo aan ka wada hadalno sidii howlgalka ciidanka XDS u noqon lahaa mid guuleysta oo shacabkana lala socodsiiyo horumarka guulaha ciidanka. Ciidankaa XDS waa lafdhabarka jiritaanka shacabka iyo Dalka.




Wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyey “Ciidanka XDS waxey ku shaqeeyaan daruufo aad u adag oo runtii ay ku ammaananyihiin dagaalka ay kula jiraan kooxaha argagaxisada ah oo shacabka u diidan nabad iyo horumar. Ciidanku waa geesiyaal nooga baahan inaan dhiiri gelino oo aan ku taageerno howlgalkooda si dalka u noqdo mid nabad ah oo shacabka siiya fursad ay aayahooda uga tashadaan.”




 “Waxaan maanta ka wada hadalnay muhiimada wacyigelinta bulshada iyo warbaahinta Soomaaliyeed si shacabka u helo wararka saxda ah iyo horumarka iyo guulaha ciidanka Soomaaliyeed ay si joogta ah u sameynayaan.”ayuu yiri.




Wasiirka ayaa shirka ku soo gabogabeeyey hadalkiisa  “Waddan walba waxuu ku dhisan yahay ciidankiisa oo ka difaaca shacabka dhammaan wax allaale iyo waxii wax u dhimaya sharafka ummaddaas. Shacab walba waxaa muhiim ah inuu ciidankiisa la joogo oo uu ku taageero howlgalada iyo waajibaadkooda qaran. Waxaan mahad gaar ah u soo jeedinayaa ciidanka geesiyaasha ah iyo shacabka Soomaaliyeed oo leh taariikh weyn oo ay weligoodba garab taagan yihiin ciidankooda. Shakina iigama jiro in dagaalka lagula jiro kooxaha argagaxisada lagu guuleysan doono.”




Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka XDS oo warbaahinta la hadlay ayaa isna dhankiisa sheegay “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay inaan soo booqano xafiiska Wasiirka oo aan ka wada hadalno sidii shacabka loo wacyigelin lahaa loona gaarsiin lahaa guulaha ciidanka XDS. Warfaafinta waa lafdhabarka wacyigelinta bulshada.”,




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com