Monday, May 26, 2014

Maraxalada Maanta Somaliland Marayso.Q3-aad


Maraxalada Maanta Somaliland Marayso Waxa la Odhan Karaa Cadceedii Timaadaba Noole wwuu Ku Cimro Qaataa, Xidigahan Casaaday iyo Dayaxan Caadka Lagu Meershay,Caammadu waxay,moodayaan curasho Dayreede,Anigaase,Moorada cakiran kuu caddayn kara.




Qormadii 3aad:




Khilaafka isa soo taraya ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa marka la eego fikradaha ay kala qabaan dhinacyada is haya,Siilaanyo iyo inta badan  golahiisa wasiiradda oo dhinac ah iyo Muuse  Biixi iyo Maxamed Kaahin iyo taageerayaashooda oo dhinaca kale ah,waxa lagu sifayn karaa maah maahdii soomaliyeed ee ahayd laba walba isa saarayoo laba togoogo isma saarin.




Waxaynu tusaale gaaban u soo qaadan karnaa hadalkii uu Maxamed Kaahin siiyey warbaahinta ee ahaa markii siilaanyo wasiirkii hore ee gancsiga Dr Maxamed C/laahi ay ka wada hadleen khilaafka KULMIYE siilaanyo wuxuu Dr Maxamed C/lahi Ku yidhi waxaad ka qayb gashaa shirkii jaraa’id ee ay qabanayeen wasiir cadami iyo ragii la socday,waxaanu Dr Maxamed C/laahi ugu jawaabay shirka markii hore waa la iga qarsaday ,kan maantana ka qayb gali mayo,waxaanu Maxamed Kaahin sheegay in uu nin wasiir ah oo markaa goobta fadhiyey Dr Maxamed C/laahi ugu jawaabay dagaal baa la wada gelayaa ee anaga na  sooraac ama korneylada la eryaayo soo raac .




Akhrsitow arintani waxay muujinaysaa in meesha uusan fadhiyin madaxwyene taliya,waayo weligeed lama arag meel uu madaxweyne fadhiyo oo uu nin wasiir ahi sidaa uu u hadlo,waxaana hubaal ah hadii uu siilaanyo yahay madaxwyene talinaya in khilaafka KULMIYE xal loo heli layaa waxaana tusaale kuugu filan,khilaafkii KULMIYE soo kala dhex galay 2008-dii isagoo xisbi mucaarad ah waxay suurta geliyeyey khilaafkii in la xalilo siilaanyo oo markaa ahaa nin ay maskaxdiisu kaamil tahay , oo go’aan qaadan kara,waxase manta muuqata in taladii dalku ay u gacan gashay,dad aan la dooran.




Maah maah soomaaliyeedbaa jirta oo tidhaahda  Hashu maankaygii gadaye ma maansaarbay liqday.maah maahdan waxa loo soo qaataa xajo kasta oo cilinkeeda la saari waayo,ama meel ay ku daba leedahay la waayo, ama qofkan soo taagan ee loo haysto in uu arinku ku xidhan yahay uu yahay qof ay taladu gacantiisa ay ka muruxsatay sidan siilaanyo  oo kale.




Hadaba hadii aynu habsuuganeed ku cabirno halka ay taagan yihiin dadka ku hadlaaya afka siilaanyo oo muujinaysa inay rumaysan yihiin in aysan suurta gal ahayn in ay tartamaan siilaanyo iyo Muuse Biixi,iyagoo rumaysan in hadii arin ta xeer geebti loo saaro xeerbeegtidaasi ha ahaato golaha guurtida ama madaxda dhaqanka ama culima’udiinka in dhamaantoodba ay gacan saar dhaw la leeyihiin oo ay soo saari doonan in aan siilaanyo cidiba la tartamin waayo Saleebaan Gaal iyo Siilaanyo xigaalnimada ka sakow waa laba oday oo ilmaabti ah,waana tii hore loo yidhi gudi aysan cidi kugu jirin yanay ku bixin ,dhinaca madaxda dhaqanka waxay ka rumaysan yihiin in iyaga arinkoodu uusan sii fogayn ee uu yahay fadlan ku shubo,dhinaca culima’udiinka waxay ka rumaysan yihiin mar hadii uu siilaanyo  maalmahan danbe masaajidada booshanayey golihii culimadana uu ku dhawaaqay xaalka waxay u arkaan in uu yahay adhi jiri  ma kala abaal weydo.




Sidaasi daraadeed waxaynu fikirka ay rumaysan yihiin u soo qaadan karnaa ama bar bar dhigi karnaa  mid ka mid ah maansooyinkii Allaha ha u naxariistee Abwaankii Xasan Tarabi ee uu yidhi:




Ciroolaha Gabaaba Nin Rag ahi AK Cimri Qaataye




Ma Cidbaa Ku Nool Dunidu Wataan Canka Dhigaye




Cuqaal Talisa Boqor Caadila iyo Culimo Miisaan leh




Ilahii Carshiga Nuurayow Kaga Caban Mayno




Cadaankaan Wada Loollanaa Ee Madaw Ciseynmayno




 




Madawgaasi ay sheegayaana waxay uga jeedaan Muuse Biixi in uusan la tartami kareyn Siilaanyo waana wax laal yaabo.




 




Hadaba hadii fikirka siilaanyo iyo inta ku xeerani uu kaa yahay shaki kuma jiro in markiiba ay maskaxdaadu ku soo dhaxayso halka ay taagan yihiin labada korneyl ,iyagu waxay rumaysan yihiin inay yihiin Mujaahidiin dalkan u soo dagaalamay oo naftooda iyo maalkoodaba u soo huray xoriyadda aynu manta haysano,sidoo kale waxay rumaysan yihiin inay yihiin siyaasiyiin reer Somaliland ah oo xaq u leh inay ka qayb galaan siyaasadda dalka ,iyagoo soo maraya dariiqa sharciga ah ee lagu fuulo kurisga madaxweynimo ee Somaliland.




Hadaba hadii aynu habsuugaaneed ku cabrino fikirka ay qabaan laabda korneyl iyagoo rumaysan in  geelii ay soo dhiciyeen hortooda ay raf kale ku maalayaan oo weliba loogu daray gujo iyo in dushooda lagu maamulo xisbigii KULMIYE ee ay iaygu masuulka ka ahaayeen ,marka aynu hab suugaaneed  ku cabirno dareenka ay qabaan labada Mujaahid waxaynu ku soo  ururin karnaa mid ka mid ah maansooyinkii Allaha ha u anxariistee Abwaankii Cabdi Gahayr.




Saynloow libaaxuba Haduu Sabano Gaajoodu




Saryanka iyo haduu aarankuu tuuri jiray waayo




Seeriga garduur iyo haduu seexdo dhiraheeda




Sanateyn hadii uu hilbaha sooman ka ahaado




Sayladaha xoolaha haduu saacad ku ag meero




Afartii saxnaa iyo haduu micida soofeysto




Sarsar wuu banyan jiray halkuu saaro jeenyaha e




Saqda dhexe haduu reer miruu siigo kaga duusho




Sadqo ma leh habeenkaa naftuu sare u qaadaa.




Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa maansadii Cirsan-ka Yeesh ee uu tiriyey Alaha ha u naxariistee Abwaankii   Axmed Ismail Dirie "Qaasim"




 




 




Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe




 Cadceedii Timaadaba Noole uu Ku Cimro Qaataa,




 Xidigahan Casaaday iyo Dayaxan Caadka Lagu Meershay




Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede




Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye




Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e




Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e




Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye




Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey




Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye




Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e




Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne




Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne




Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye




Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye




Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye




Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide




Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e




Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye




Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur




Tel:4425243




Email:suudi88@gmail.com




Hargeysa/Somaliland