Wednesday, May 28, 2014

Burco: Odayaal Xukuumaddu soo abaabushay oo dhinac ka noqday Khilaafka kulmiye


Waxay shir jaraa’id ku qabteen Aqalka Madaxtooyadda ee Burco…




bbBurco(GNA)-Cuqaal iyo waxgarad kamid  Beesha Galbeed Burco ayaa maanta baaq iyo digniin u jeediyay garabyada is haysta ee Xisbiga Kulmiye.




Odayaashan iyo waxgaradkan ayaa dhanka kalena taageeray wax qabadka Xukuumada talada haysa waxaanay sheegeen in aan loo baahnayn cid dhabarka qabata xukuumadan maadaama ay horumar ku tallbsatay.




odayaashan iyo waxgaradkan oo shirjaraa'id maanta ku wabtay Xarunta Madaxtooyada ee magaalada Burco, ayaa sheegay in Madaxweyne Siilaanyo Xisbiga Kulmiye ku soo tabcay, xaqlena ka yahay.




“xisbigii kulmiye oo laba u kala dilaacay,waxaan leeyahay Xisbiga kulmiye Nin baa iska leh oo ku tabcay,waayo Xisbiga ucid la yidhaahdo ina Cali waraabaa leh waa laysugu yimi oo waa laga furfuri kari waayay kanina waa la mid Siilaanyo ayaa iska leh,dalkan waxaa ka socda wax qabad oo wadooyin baa laga bilaabay,dabkaa baxaya waa in aan la bakhtiinin,waxaanu doonaynaa inuu siilaanyo noloshiisa in uu madaxwayne ahaado” sidaasi waxa yidhi oday Maxamed Ibraain Cabdi.




Maxamed diiriye Xayd oo isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi''Afar dawladood ayaa dalka kasoo taliyay,Midba meelbay soo gaadhsiisay dawladii u horeeya xarbul ehlibaa kusoo bilaabmay raga badiddiisa iminka madaxda ka ah dalka ay ka mid haayeen,maanta waxaynu soo gaadhnay wakhtigii horumarka iyo ictiraafka,intaasi inay baaba,do doonimayno waxa dalka ka socda xukuumada jirta ayaa amaantaas leh,waxaan leeyahay xisbigu haku soo noqdo la tashiga xukuumadiisa ragii lahaa xisbiga kulmiyaa waxaa qabtay oo siilaanyaa qabtay maanta wuu khaldamay ka yeelimayno,nabdagelyada dalka iyo danta umada cidna loo daba fadhiisabnmayno,xisbiga kulmiye hadii maanta isagoo xukuumadii haya ios qabto waa nasiib daro wayn,muuse iyo maxamed kaahin waa odayaal waxaan leeyahay inay wax qarsadaan bay ahayd ilayn wax bay beri doonayaane,xukuumadana waxaanleeyahay hadii ay odayaashani wax qoonsadaan dib haloo eego yaan la odhanin majoorati baanu kahaysanaa.intayadan waxaa isu keentay inaanu wixii dhib ah ka hor tagno.




Caaqil Baashe ayaa isna waxaa hadladiisii ka mid ahaa''hadii nadab la waayo waxba jirimaayo beelahana halaga tago,oo dalka hala wada ilaalilayo ka wax doonayaa wado wanaagsan ha u maro oo halaysu tanaasulo oo dhib yaan dalka la galin,xisbiga kulmiyana waxaan leeyahay khilaafkiinu yaanu dibada u soo bixin ee sharci u mara.b




Maxamuud Ismaaciil maxamed (Jiir) ayaa isna ku taliyay in khilaafka xisbiga kulmiye loo maro hab sharci,nabadana la ilaaliyo.




Hadalka odayaashan reer Burco ayaa ku soo aadaya xili yooyootan garabyada Kulmiye ku dhexeeyaa sii xoogaysanayo.




Waxaana muuqata in Odayaashan laga soo abaabulay dhanka xukuumadda, isla markaana sheekaddu u muuqato in hada laysu adeegsanayo abaabul bulshada dhexdeeda dhinacyadu ka samaynayaan.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com