Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan laba ruux ayaa la xaqiijiyay inay ku dhaawacmeen duqeymo cirka ah oo maanta markale ay degmada Jilib ee Gobolka Jubbada dhexe ka geysteen diyaarado dagaal oo la rumeysan yihiin in ay ka mid yihiin howlgalka AMISOM qeybtiisa Jubbooyinka.
Waxay daba socdeen duqeymo hore uga dhacay Gobolka.
Duqeynta ayaa lala bar timaameydsaday fadhiisimo ay halkaas ku leeyihiin Maleeshiyada iyo horjoogeyaasha Al-Shabaab, halkaasi oo la rumeysanyahay in qasaare xoog badan loogu geystay.
Dad ku sugan degmada Jilib ayaa Radio Muqdisho u sheegay in xaaladda degmada Jilib hadda ay degan tahay, hasa yeeshee weli laga cabsi qabo in ay soo rogaal celiyaan weerarrada diyaaraha dagaalka ay ka geysanayaan deegaanka.
Tuulooyinka Maanyo gaabo, Sandariye, faragurow iyo dhul beereed ballaaran ayey duqeymaha si weyn u saameeyeen waana halka la rumeysan yahay in ay ku ag yaallaan xeryo kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin oo ay ku sugan yihiin rag horjoogayaal waa weyn ah.
Todobaadkii hore ayaa laba goor sidan oo kale diyaaraha dagaalka ciidamada Kenya ee AMISOM ka tirsan weerarro uga geysteen gudaha magaalada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.
Saraakiisha ammaanka ayaa ku waramaya in duqeymihii is xig xigay ee dhacay ahaayeen kuwa qorsheysan oo lagu bar tilmaameedsanayey hogaamiyeyaasha Al-Shabaab qaarkood oo halkaas ku dhuumaalaysanayay.
Al-shabaab ayaa dagaal ku balaadhisay gudaha Somaliya iyo Kenya.
Todobaadkii hore ayay sheegeen inay dhawr waddan oo Bariga Afrika ku yaala dagaalkooda u wareejinayaan.
Kooxda Al-shabaab ayaa xidhiidh dhow la leh Al-qaac’ida.