Sunday, May 25, 2014

Masuuliyiinta Haatuf oo mar kale Maxkamadda la horkeenay Maanta


Wiilka Madaxweynuhu Sodogga u yahay oo ka mid noqday dhibaneyaasha Dawladda ee Xeer-ilaalinta Qaranku u doodayso…




HaatufHargeysa(GNA)-Masuuliyiinta Wargeyska Haatuf, ayaa Mar kale Maxkamadda la horkeenay, kaddib xadhig Rumaan ah oo Muddo, kaasoo todobaad iyo dheeraad ka hor Maxkamaddu ku riday.




Mulkilaha Wargeyska Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafafriraha Wargeyskaasi Axmed Cali Cigge, ayaa waxa ay ku xidhanyihiin Xabsiga Magaalada Gabiley, halkaasoo laga soo qaaday.




Dhegeysiga Fadhiga labaad ee Dacwaddooda ayaa ka bilaabantay Maxkamadda saaka, waxaana ka qayb-galay Qarreenada u doodaya, xubno ka socda Ururrada xaquuqda Aadamaha iyo Saxaafadda.




Xoghayaha guud ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed-rashid Muxumed Faarax, ayaa ka mid ahaa dadkii ka qayb-galay dhegeysiga Dacwaddan oo maanta dacwaddiisa la dhegeysanayay Wiilka Madaxweynuhu Sodoga u yahay ee Baashe Cumar Moorgan.




Garsooraha Maxkamadda iyo Qarreenada difaacaya Suxufiyiinta ayaa su’aallo waydiiyay Baashe Cumar Moorgan, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka qayb galay dhegeysiga Dacwaddu, waxaana la waydiiyay waxyaabaha uu ku dacwoonayo.




Ninkan oo aan wax xil ah ka haynin Dawladda, hadana ka mid noqday dhibaneyaasha Dawladda ee ay Xeer-ilaalinta guud u dooddayso, ayaa ku dacwiyaya in laga qoray warar ku soo baxay Wargeyska Haatuf qaybtiisa “Haatufka Maanta” iyo maqaallo kale.




Ammaanka Maxkamadda ayaa aad loo adkeeyay, intii ay dacwadu socotay, waxaana ku sugnaa Ciidamo tiro badan oo Bilays ah.




Wajiga Saddexaad ee Dhegeysiga Dacwadda ayaa loo muddeeyay Sabtida soo socota, waxaana masuuliyiintan dib loogu celiyay Xabsiga Gabiley ee ay ku xidhnaayeen.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com