Somaliland: Xuska sanad-guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay guda-galkiin Hargeysa oo ku soo beegmay maalin rejo beel ku ah kuwii qoriga sitay iyo Hogaamiyeyaashooda + xogwaranka xaalada ay ku timi Taariikhdani…
Maxay ka Dagaalameen , maxayse u dagaalameen?
Magacyada xubno ka mid ah Ragii habeen hore Guryahooda lagala baxay
Hargeysa(GNA)-“Habeenkii aanu soo galnay Hargeysa ee 31-kii May 1988-kii rajadii aanu qabnay , ayaa ka wanaagsanayd rejada aan qabo caawa oo 26 sanaddood oo nabad iyo xoriyad aynu ku jirnay”sidaasi waxa hadal xambaarsan dareen shucuubtiisu taabanayso quluubta qofka indhaha ku haya ku yidhi mid ka mid ah Dagaalyahanadii SNM ee 31-kii bishii May ee sanadkii 1988-kii gulufka dagaal ee mire weerka ah ku soo galay Magaalada Hargeysa oo ahayd saldhiga ugu weyn ee Ciidamadii Milteriga ahaa ee nidaamkii Siyaad Barre ka degenaa gobollada waqooyi galbeed (Maroodi-jeex).
31 Bisha May, ayaa ka mid ah Maalmaha ugu muhiimsan, uguna mudan dharaarihii Ururka Dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM ku dhiiradeen dhaqan gelinta go’aankii lagaga dhiidhiyey dhafoor taabashada iyo daadinta dhiiga shacbigii halkan ku dhaqanaa oo ay dhibaatooyin aan xisaab lahayn ku haysay dawladdii Milaterigu.
Waa maalintii afaraad ee ay SNM libinta dagaal iyo guusha ka gaadhay iska hor-imaadyadii xeelad ku dagaalanka ahaa ee ay aakhirkii xididdada ugu siibtay cududdii ciidan ee Hargeysa fadhiyey ka hor intii aan laga xoreyn, sida ay isku raacsanyihiin Taariikhyahanada wax ka qoray Dagaaladii SNM gudaha dalka ku soo gashay.
Waa maalintii labaad ee Gudaha galka dalka, waxaanay saddex casho ka dambeysay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee Burco lagu soo galay 27 bisha May isla sanadkaas.
Siday ku timi
Bishii May 1988, waxa heshiis wada galay labadii nin ee madaxda ka ahaa talisyadii Soomaaliya iyo Itoobiya - Siyaad Barre iyo Mengistu - oo tummaati ku noqday geeddi-socodkii halgankii dagaal ee ururkii SNM, kadib markii hoggaamiyayaashii SNM lagu wargaliyey mid ka mid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen laba talis, kaas oo dhigayey in fadhiisimadii ciidan ee SNM loo raro gudaha dambe ee dalka Itoobiya, lagana fogeeyo goobaha u dhow ciidammadii Siyaad Barre.
Hase ahaatee, hoggaamiyayaashii SNM oo si weyn uga biyo-diiday tallaabadan ayaa qaatay go’aan lagu tilmaami karo mid argagax leh, marka loo eego duruufahii siyaasadeed ee ku xeernaa SNM, taas oo ay jawaab uga dhigeen xaaladdii afar-jaho-eegga ahayd ee soo waajahday guluf dagaal oo ay ku ekeeyeen gudaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.
27-kii May 1988kii, ayaa markii u horreysay ciidammadii dagaalyahannada SNM weerar dhacay hiirtii waaberi ee maalinimadii Jimcaha ku galeen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.
30-kii May 1988, waxa iyaguna weerar ku qaaday jiidka Cadaadlay cutubyo ka tirsan dagaalyahannadii SNM oo uu taliye ka ahaa Allaah ha u naxariistee marxmuum mujaahid Xuseen Dheere. Sidoo kale, 31-kii May 1988 ayaa ciidan tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 1,400 oo dagaalyahan saq dhexe weerar ku mireen saldhigyadii iyo talisyadii millateri ee qaybtii la odhan jiray 26-aad oo ahayd mid ka mid ah saldhigyadii ciidan ee ugu awoodda badnaa ciidammadii Siyaad Barre ka hor intii aanay dagaalyahannada SNM ku soo hoyan gudaha Hargaysa.
Sidaa awgeed, wxa isweydiin leh sidee buu u ekaa jewigii diyaargarow ee Hargaysa, sidee buuse ahaa isu dhiganka ciidan ee labada dhinac ee kala ahaa SNM iyo ciidammadii Siyaad Barre?
Waatan xog kooban oo muujinaysa cududii ciidan ee labada dhinac. “Ciidammadii SNM ee ku soo beegnaa aagga Hargaysa oo uu taliye ka ahaa Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne). Waxay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali ka dagaal galeen aagga dhexe ee Cadaadlay, waxana hoggaaminayey mujaahid Xuseen-dheere. Guutada Sayid Cali waxa taliye ka ahaa mujaahid Maxamed Cilmi Samatar, Guutada Sancaani waxa horkacayey Aadan Cadde, Guutada 20-aadna waxa taliye ka ahaa marxuum mujaahid Axmed Dhagax. Sidoo kale, taliska ciidanka iyo hoggaamintiisaba waxa joogay saraakiil door ah oo magac leh. Ciidanku guud ahaan wuxuu ka koobnaa tiro gaadhaysa 1,400 mujaahid. Qoryaha tiknikada ah waxay ka koobnaayeen ugu badnaan 12 xabbo oo kala ah: 1 Zuu 23, 2 xabbo oo ZGU ah (lidka diyaaradaha), 2 jiib, 1 beebee, 1 SK43, 1 BM21, 1 baroon, 3 xabbo oo nooca Grand B loo yaqaan ah iyo 1 xabbo oo Anti- tank 57 ah.
Dhinaca kale, cadowga ama ciidammadii Siyaad Barre markaad eegto, gaar ahaan Gaaskii 2aad oo fadhigoodu ahaa Hargaysa, kuwaas oo ahaa aagga ay ku soo beegan yihiin ama ku soo jeedaan mujaajidiintii SNM ee jiidda Makka waxay kala ahaayeen: Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guutada 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guutada 87-aad oo fadhigeedu ahaa Balli-shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaayeen fadhiisimooyinka guutooyinka oo dhan.
Gaaska 2aad waxa taageerayey urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa. Gaaskan waxa kaloo kayd xoojin ah u ahaa 6 baabuur oo BM13 ah, 3 gaadhi oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaayeen 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne. Ciidammadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Ururka Daraawiishta, Ururka Koofiyad-casta, Ururka Miinada, Ururka Isgaadhsiinta, Ururka Saadka, Ururka Dhismaha, hurinta warshadaha kabidda, cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masallaha, Waraabe-salaan iyo Berbera. Ciidankii Guul-wadayaasha, Daraawiishta iyo Booliska iyo ciidanka Asluubta.
Waxa kaloo kayd ahaan u diyaarsanaa ciidanka cirka oo haystay 3 diyaaradood oo hawlgal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf-wraabe iyo rag kale. Guutada 24aad waxay haysatay tikniko ka koobnayd 23 beebee iyo 24 madfac (106). Taliyaha Gaaska 2aad wuxuu ahaa Cabdillaahi Mukhtaar, Abbaanduulahuna waxa uu ahaa Maxamed Maxamuud. Sidoo kale Taliyaha Qaybta 26aad wuxuu ahaa Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan), Abbaanduulahiisuna Cabdicasiis Cali Barre, Hawlgaliyaha qaybtuna waxa uu ahaa Cabdillaahi Xuseen Soobbe.
Ciidammadii SNM ee aagga Makka waxay markii hore kala fadhiyeen goobaha kala ah; Kaba-qorray iyo Caraancaray, balse waxay xiligii diyaargarowga isugu yimaaddeen meesha la yidhaa Balli-samatar oo 40km ka xigta dhinaca koonfureed magaalada Hargaysa, waxaanay halkaasi ka soo dhaqaaqeen1:00 duhurnimo. Isla markaa waxa dagaalku uu Hargaysa ka bilaabmay abbaaro 2:30 habeenimo ee saqdii dhexe, waxayna ciidammadii SNM weerareen markii u horreysay Taliska Qaybta 26aad iyo fadhiisimadii kale ee muhiimka ahaaba. Ciidammadii SNM waxay ku guureen ilaa 20-neeyo baabuur oo kuwa dadweynaha ah, waxana gaadiidleyda laga xusi karaa Haybe Jeeni iyo Xasan-waraabe oo ka mid ahaa odayaashii hormoodka ahaa.
Guddo-galka Hargeysa iyo xogwaranka hogaamiyeyaasha
Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo ka mid ahaa koox sahan ah oo 18 xubnood ka koobnaa oo magaalada Hargeysa ku soo hoyday habeenimadii Sabtida ee 28 May 1988, ayaa isagoo ka warramayey sidii habeenkaas dareenka Hargeysa ahaa ka hor intii aanay gelin ciidammadii SNM waxa uu yidhi; “Magaalada waxaannu soo galnay fiidnimadii, waxaanuna ka koobnayn 18 xubnood, hawgalkana waxa madax ka ahaa Allaah ha u naxiistee mujaahid Gacma-dheere. 12 xubnood waxay ka hawlgaleen hareeraha magaalada, 6 xubnood oo aan ka mid ahaana waxay ka hawlgaleen gudaha. Markii uu dhacay dagaalkii Burco ee May 27-keedii 1988kii waxa isbeddeley qaabkii iyo dhaqdhaqaaqii ciidammadii Siyaad Barre ee Hargaysa fadhiyey, waxana si xoog leh magaalada ugu socday xadhig iyo qabqabasho dadka muhiimka ah lagu beegsanayey.
Magaalada bandoo casar dheere ah ayaa lagu soo rogay. Dadka waxa ka muuqday dareen argagax leh, mana saadaalin karayn sida xaaladud u dhaci doonto. Cudud ahaan labada ciidan ee SNM iyo kuwii Siyaad Barre ma ahayn wax la isku qiyaasi karo, haddana markii weerarku dhacay natiijadii guushu ma noqon mid raacda dhinaca cududda weyn ee waxay noqotay mid raacda dhinacii cududda yaraa. Waayo dagaalyahankii SNM waxay xambaarsanaayeen niyad sare oo ay ku soo dagaal-galeen. Lama qiyaasi karo dareenkii Hargaysa ee qaraxa dagaalka kadib, waxayna noqotay waxii maalintaasi ka dambeeyay goob dagaal ilaa 1991 markii la qabsaday.”
Maalmihii guda-galka ee ciidammadii SNM iyo maalmihii ka horreeyayba waxa ururka SNM hadheeyey waayahii ugu adkaa geeddi-socodka jiritaankiisa, haseyeeshee waxa la odhan karaa gulufkii dagaal ee ay ku ekeeyeen gudaha dalku wuxuu ahaa mid ay kaga fara muruxsadeen duruufo badan oo ka mid ahaayeen, heshiiskii labada talis ee mar qudha ka dul dhacay oo saamayn weyn ku yeeshay, isla markaana ku noqday laba daran kala dooro!
Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii milletari ee SNM, haatanna ah Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa isaga oo sharrax ka bixinayey waayahii SNM ee maalmahii heshiiska (Siyaad Barre iyo Mengistu) iyo guda-galkii 31 May, 1988 ee aagga Hargaysa waxa uu yidhi; “Sababta degdegga ah ee kelliftay in la soo qaado dagaal gudaha ah waxay ahayd mid siyaasi ah oo ka dhalatay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya hoggaamiyayaashoodii, kaas oo dhigayey in ciidammada SNM iyo SSDF oo aan markaa cudud weyn lahayn dib looga qaado xuduudaha agtooda, maadama labada dal nabad wada gaadheen, kadibna waxa go’aan lagu gaadhay in gudaha la soo galo oo laga samaysto saldhigyo. Sidaa awgeed, waayo-aragnimadii dagaal ee SNM ka dhaxashay duullaankii buuraha ee 1984-kii oo lagala kulmay dayac iyo dhib badan ayaa la isla gartay in cadowga madaxa laga gaagaabiyo oo la weeraro goobaha iyo taliska ciidanka cadowga, waxaanay xoogaggii SNM go’aansadeen in marka hore la beegsado labad barood ee Hargaysa oo ahayd fadhigii Qaybta 26aad iyo Burco oo uu deggenaa gaas xoog badan.”
Mujaahid Muuse Biixi, isagoo markale ka hadlayey waayahii maalintii 31 May ee 1988kii waxa uu markale yidhi; “Runtii maaha wax laga sheekayn karo. Ciidanku waxa ay ahaayeen ilaa 1400 askari oo u badan dhallinyaro rag ah, dumarna waa ku jireen. Waxay ahaayeen naftood-hurayaal doonayey in ay u badheedhaan cudud ka mid ah ciidammadii ugu xoogga badnaa Afrika. Runtii waxay ahayd mucjiso ciidammadii SNM ee Hargaysa ku wajahnaa duruufo jiray awgood oo ay ugu badnayd dhinaca shidaalka iyo saadka ayaa sababay in ay soo kala hor dhaqaaqaan.
Markaa 28kii May waxa soo dhaqaaqay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali oo weerar ku qaaday aagga Cadaadlay. 31kii May, waxa Hargaysa soo galay guutooyinka kala ah: Sancaani, Sayid Cali iyo Sayid Cumar. Sidoo kale, Guutada 5aad waxay ku aadanayd aagga Gabilay. Ciidanku wuxuu ka soo dhaqaaqay Balli-samatar 1:00 maalinimo, waxaannu soo maray waddo aad u dhib badan oo la yidhaa Daba-taxan. Intii aannu soo soconnay waxa la nagu soo riday madaafiic, waxana la noo galay jidgooyo taag daran, has yeeshee umaannu joogsan marnba. Masallaha markii aannu maraynay ayaannu ciidankii u horreeyay ee cadowga is qabsanay, kaas oo ahaa ciidan xoojin ah oo ka yimi dhinaca Boorama, gabbalka ayaana isugu kaaya dhacay.
Habeenimadii waxay noqotay in ciidanku lug ku soo dhaqaaqo, gaadiidkuna soo maro Waddo-geel oo Xagal u dhow. Markii aannu isa soo taagnay buurta yar ee u dhow qaybta waxa xabbadii u horreysay ku riday Taliska Qaybta faadhi uu saarnaa qori Grand B ah oo uu waday nin la odhan jiray Caqaar, kadib na weerarkii ayaa ballaadhay. Runtii habeenkaas ciidammadii Siyaad Barre waa laga qabsaday meelihii muhiimka ahaa ilaa Birjeex, laakiin mushkiladda ugu weyn ee nagu dhacday waxay ahayd annagu maannu haysan isgaadhsiin, taasina waxay keentay in aannu kala lunno.
Intaa gurmad baa nagu soo qulqulayey. Habqan dagaal baa dhacay, ciidammadii cadowguna garoonka diyaaradaha ayey isku urursadeen. Annaga dadka ayaa na hoggaaminaayey oo is-gaadhsiin noo ahaa, iyagana raadyowga ayaa hoggaaminaayey. Lagama sheekayn karo habeenkaas iyo maalintii siddi xaaladdu ahayd, waxana naga geeriyooday rag badan. Shicib badan baa dhintay. Wax waliba way dhaceen, jewigii magaaladuna si degdeg ah ayuu isu baddelay.”
Allaah ha u naxariistee marxuum Mujaahid Adaan Dhamac Diiriye oo isna ka tirsanaa saraakiishii millateri ee SNM, xilligaasna ahaa madaxa madaafiicda oo intii uu noolaa ka hadlayey dareenkiisa habeenkaas waxa uu yidhi; “Heshiiskii Itoobiya iyo Somaaliya wada gaadheen wuxuu dhaawac ku ahaa halgankii SNM, waxana la gartay in dagaal lagu qaado gudaha, waxana abuurmay mooral mideeyay ciidammadii SNM, wuxuuna naga furtay dagaalkii aannu gudaha ku soo qaadnay duruufo jiray waqtigaa awgood. Ilaa markii aannu ka soo dhaqaaqnnay Balli-samatar ilaa markii aannu soo gaadhnay Masallaha oo xabbaddu nagaga bilaabmatay sacab iyo farxad ayey ciidammadu ku soo jireen.
Weerarkan ay SNM gudaha ku soo gashay waxa kaloo uu joojiyay xasuuq ka socday gudaha oo lagu laynayey nin kastoo qiime leh. Arrimahaas ayaa dedejiyey weerarkii lagu soo qaaday gudaha. Awoodda ciidammada naga soo horjeeday iyo awoodayadu ma ahayn laba la isbar-bar dhigi karo, magaaladana waxaannu soo galnay 2:00 habeenimo, kadibna Qaybta 26aad ayay ku bilaabantay xabbaddii u horreysay, magaaladuna waxa ay gashay xaalad jaha-wareersan oo aan muuqaalkeeda laga sheekayn karin.”
Mujaahid Cali Maxamed oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii hoose ee ciidammadii SNM ee Hargaysa ka hawlgalay, ayaa isaga oo muujinayey dareenkii habeenkaa waxa uu yidhi; “11:00 habeenimo anagga oo joogna Sheekh Cumar dushiisa, ayaa nala siiyay waajibaadkii dagaal, ka dib na habeen-badhkii, ayaanu so galnay Hargaysa. Markii aannu dhismaha Qaybta 26aad u soo jirnay wax ka yar 1km, ayaa rasaastu nagu bilaabantay, annaguna weerar ayaannu u soo kala baxnay, waxaanuna qabsanay Qaybtii oo waagii ayaa noogu baryay halkaasi.
Maalintaasi waxan ku tilmaami karaa maalintii ugu dhibaatada badnayd, uguna mooraalka saraysay, dadweynaha ayaa si la yaab leh noo caawinayey, waxayna nagula soo yaacayeen cunto iyo biyo.”
Dhinaca kale, Cabdifataax Caydiid oo ka mid ah dhalinyaradii Maalintaasi Hargeysa uga gacan haadinayay, isla markaana rejada ka qabay isbedelkii SNM raadinaysay, ayaa ka waramay dareenkiisa iyo riyadii ay maalintaa isaga iyo faciisu ku cabirayeen SNM.
Cabdifataax oo isagu habeenkii la soo galay Hargeysa ku sugnaa gurigoodda ka fogaa goobta dagaalku ka bilaabay, ayaa dhinaca kale ka waramay marxaladii wakhtigaasi Magaaladani ku sugnayd oo ahayd mid ay ku sii korodhay gabood faladii sababay dagaal doonka SNM, isla markaana la saaray bandow saddexda galabnimo (3:00PM) ka bilaamaysay.
“ maalintaa da’daydu waxay 15 Jir, caruurtayada anigaa ugu weynaa oo dhamaan inta kale way iga yaryarayd, waxaan degenayn xaafadaha Jeelka Hargeysa ka dambeeya, Magaalada waxa ka jiray Bandow saddexda galabnimo ka bilaamayay. dabadeed maalintaa aniga iyo dhalinyaro kale ayaa galabnimadii meel jeelka dabadiisa ah kaga sheekaysanayn hawl-galkan SNM ku soo galayso Hargeysa, waxaana nooga sheekaynayay Nin dhalinyartaydii ka mid ah oo Mustafe la odhan jiray.
Wuxuu nagu yidhi SNM ayaa Hargeysa soo gelaysa, laakiinse sawir kamaanu haysan sida wax noqon doonaan iyo sida ay ku soo gelayaan, SNM waxa nalugu odhan jiray intaasoo dawladdoodbaa caawiya oo dagaalka waxba umaanu arkayn.
Waxaan xasuustaa Maalintii Burco la galay oo ahayd 27-kii maalintii ka dambeysay oo ahayd 28-kii ayaa waxa la aroostay Gabadh caruurtayda ugu weyn oo Halkan xaafadda gol-jano ku aqal gashay, markaa Magaalada saddexda galabnimo wax ka dambeeya cidi socon mayso, kaddib arrooskii wuxuu dhacay casarkii, saddexdii wakhti yar markay dhaaftay ayaa lagu kala dareeray ,warqad dhaqdhaqaaq ayaanu u soo qaadnay baabuurta,markaa gaadhi kasta waxa raacayey Nin C.I.D-da ka mid ah oo dhaafinayay askarta”ayuu yidhi Cabdifataax oo Gobanimo u waramay.
Waxaanii yidhi “habeenkaa la soo galay Magaalada, shantii annagoo meel fadh fadhina ayaa iyadoo nala doon doonayo oo waalidkii na doon doonayaan naloogu yimi annagoo fadhina meel kaabad ah, intii dhalinyarada ahayd ee xaafadda. Runtii waanu badnayn, dabadeed waanu iska kala hooyanay shantii.
Labadii Habeennimo markay ahayd ayay ka bilaabantay Birjeex, waxaan shitay Iddaacadii Radio Halkan, habeenkaa waxaan seexday qol bilaa daaqaddo ah oo gurigayaga ka mid ahaa, si aan Ideecada u dhegeysto, waayo madnuuc ayay ahayd dhegeysiga radio halgan, daaqadaha ayaa laga dhegeysan jiray dadka markaa waa la gaabin jiray codka”
Markaa markii ay bilaabantay waxaannu maqlaynay Hubka cul culus ee dhacaya, hal mar ayaa jawigu isbedelay oo ay goob dagaal isku bedeshay Magaaladu” – “annaga jibbo ayaa noo haysay in mar uun nidaamkan meesha joogay la bedelo oo wax cusub yimaaddo, markaa aadbaanu ugu faraxsanayn, in SNM Hargeysa soo gasho”ayuu yidhi Cabdifataax.
Isagoo ka waramay wixii xigay 31 May waxa uu mar kale yidhi “isla maalintii xigtay ee bilowgii June, waxa bilaabantay Duqeyntii Guryaha iyo xasuuqii dadka shacbiga ah, waxa mid mid dhulka loola simay guryihii aanu jaarka ahayn oo dhan, kuwaasoo ay beeybeey la dhaceen Ciidankii faqashtu. Dabadeed maalintii ay dumiyeen Gurigii kaayaga ku xignay ayaanu isnidhi dee idinkuna waad ku xigtaan, dabadeed maalin labaadii ayaannu shan subaxnimo ka qaxnay, waxaanan maydkii ugu horeeyey ee qof shicib ah oo la dilay ku soo dhaafnay xaafadda Xisbiga. Sidaas ayuu ku bilaabmay dagaalku ilaa 1991-kii markii dalka la xoreeyey”.
Sanad-guurada 26-aad ee 31 May oo ku beegan Maanta oo Sabti ah waxay ku beegantahay tirsiga guga 23-aad ee madaxbanaanida Somaliland, taasoo ay dalka ka taagantahay xiisad siyaasaddeed oo u dhaxaysa garabyo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii SNM ee hormuudka ka ahaa Taarikhda ku suntan 31 May.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xiligaasi ahaa guddoomiyihii Ururka SNM iyo Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa Saraakiishii guda galka Hargeysa horkacayay,labadaa Nin oo mid madaxweyne ka yahay dalkii SNM xoraysay waa Axmed Siilaanyo, Muuse Biixina Guddoomiye ka yahay xisbiga xukuumadda dhalay, ayaa loolan ay ku kala hororsanayaan musharaxnimada Xisbigooda Kulmiye gaadhay inay xukuumaddu ku talaabsato gabood fallo u eeg tii ay 26 sanno ka hor Caasimadan ka xoraynayeen.
Xiisad aan wali xal loo helin oo u dhaxaysa labada masuul, ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo tobaneeyo ka mid ah hadhaaga dhalinyaradii 26 sano ka hor Maalintan oo kale xabadda laabta u dhigay si ay maamulkii bahalnimada ku xukumayay uga dul kiciyaan.
Nimankan ayaa qaarkood lagu eeddeeyay inay ku lug lahaayeen Qaraxyo bombo shaani loo adeegsaday oo laba habeen oo is xigta laga fuliyay Hargeysa , kuwaasoo aan wax khasaare ah oo ay sababeen jirin, kuna soo aaday habeenno khilaafka Xisbiga Xukuumaddu marxalad adag gaadhay, cabsi badan iyo jahawareer siyaasaddeedna uu waddanka u horseeday.
Qaar kale oo ka mid ah waxa lagu qabsaday Sawirro ay ku qoranyihiin hal ku dhigyo loogu ololeynayo in Musharax Madaxweynaha ee xisbigaasi shanta sanadood ee soo socda loo doorto Muj Muuse Biixi Cabdi, oo Madaxweyne Siilaanyo dagaal adag kula jiro tan iyo markii uu dhawaan shaaciyey hankiisa siyaasiga ah.
Muuse Biixi ayaa maalmo kaddib shirweynihii Xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay inuu Musharax Madaxweyne kula tartami doono Madaxweyne Siilaanyo, marka la dooranayo Musharixiinta Xibsiga uga qayb gelaya Doorashada Madaxtinimada ee 2015-ka.
Madaxweyne Siilaanyo, oo damacsan inuu mar saddexaad isu soo taago Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, kana biyo diidsan in lagula tartamo xisbiga dhexdiisa, ayaa guluf siyaasaddeed ku kiciyey Guddoomiye Muuse Biixi bil wax ka yar Kursiga guddoomiyaha Xisbiga si kalsooni leh ugu nastay, isla markaana hankiisa caddeeyay.
Koox Wasiirro ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo musdambeedka ugu jiro, kuwaasoo qaarkood ahaayeen Shir-guddoonkii shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga, ayaa talaabo inqilaab lagu fasiray ku sameeyay todobaadkii hore hogaanka Xisbiga oo ay isaga hooseeyaan Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo sida xusan ka mid ahaa Saraakiishii hogaaminayay Dagaaladii SNM Burco iyo Hargeysa ku soo kala gashay 27 May iyo 31 May oo afar casho u dhaxaysay.
Wasiirradaas ayaa si lama filaan ah Khamiistii hore u magacaabay Guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye iyo xubnha Golaha dhexe oo tiro ahaan lagu ansixiyay Shirweynihii Xisbiga, balse magacaabistooda hogaanka Xisbiga loo xilsaaray marka laysku soo dubo rido, inkasta oo ay ahayd in shirweynaha laga hor shaaciyo, hase ahaatee qabyo u noqday caqabaddo khilaafyo hore ka dhashay oo shirweynaha xisbiga habsaamiyey.
Taas Muuse Biixi iyo Taageerayaashiisu way ku gacan saydheen, xaalka xisbigu wuxuu isu bedelay xiisad mindi mindi ku taag ah, waxaana laysku caddeysay wax kasta oo laysu hambeynayay, ilaa taageerayaasha Garabka Muuse ay boodhadh ku xardheen inay Madaxweynahooda shanta sanadood ee soo socdaa u caleemo saarayaan Guddoomiye Muuse Biixi.
Talaabadaas ayay dhawr ka mid ah raga xidhan ee Taariikhda Maanta ku suntani ku muteysteen ciqaabta, iyadoo taasi dhalisay bulshada dhexdeeda dareen cadho leh iyo sawir kale oo laga qaatay dawladda uu hogaaminayo Axmed Siilaanyo.
Ragan ayaa mid walba gurigiisa lagala baxay Habeen hore saqdii dhexe, xili uu socday hawl-gal lagu qabqabtay dadka kale oo uu ku jiro Wasiir ku-xigeenkii hore ee ammaanka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaga iyo saddex Nin oo lala xidhay gurigooda loogu dhacay 2:10 Habeenimo.
“Maanta waxaan ka rejo wanaagsanayn maalintii aanu xaska iyo xabad u badheedhnay ee aannu dagaalka kala hor nimi Ciidankii Siyaad Barri ee Afrika ugu xoogga weynaa, waayo bino aadamku waxa ugu wanaagsan waa rajada rajadu haday kaa dhimato waxba ma jiraan, markaa maanta wax hadhay ma jiraan mar hadii ragii 31 May Nafhurida ku soo galay Hargeysa inta suuqa laga qab qabtay oo xabsiga lagu guray, wax alaaale waxaan u soo dagaalanay garan mayno”sidaas waxa yidhi Xubin ka mid ah Muj. SNM oo magaciisa aanu u qarinay xiisada taagan iyo xurgufta dhex miranaysa garabyada SNM ee kale awgeed.
Hadalka Ninkan ayaa muujinaya walaac haysta saaxiibeyaashiisa kale ee la nool doogtii ka soo gaadhay dagaaladii wacyiga adag soo maray iyo waxa maanta dhacaya ee loogu abaal guday oo ay u dheertahay dayac iyo abaal daro ay hore u tirsanayeen dhamaan intii halganka ka qayb qaadatay.
Waxaanay taasi faashil siyaasaddeed iyo hogaamin xumo ku noqonaysaa Madaxweynaha talada haya oo ah Nin ka waayo iyo war qaba wixii ay soo mareen raga Maanta Mandheera ku xidhan iyo kumanaan kale oo duruufo nololeed iyo dayac la nool.
Laakiinse dadku waxay maanta isweydiinayaan dareen ahaan waxay ku sugan yihiin tirada Nimanka Mujaahidiinta ah ee labadii maalmood ee ugu dambeeyay xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo xukun deg deg ah loogu taxaabay jeelka Mandheera, iyadoo aan wax Maxkamad ah la marin.
Arrinta kale ee Maanta taagan ayaa waxay, sababta loo xusi waayay maalintan oo qiimo weyn oo u gaar ah ugu fadhida dadka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa reer Hargeysa.
Su'aashaasi jawaabteedu waxay u baahantahay in lagu qiimeeyo duruufta dalka taala, lana bar bar dhigo dareenka kuwii maalintaas qoriga siday ay qabaan oo ah mid murugo iyo hiil huwan, isla markaana xaalad ay maanta wanaag dib ugu xusuustaan aan ku sugnayn.
Magacyada xubno ka mid ah Ragii habeen hore Guryahooda lagala baxay
1-Cumar Yuusuf Ibraahim (Dharab),
2-Mujaahid Quraysh Xassan
3-Mawliid Ibraahim Aadan (Malo)
4-Saleebaan Xuseen Dheere (Salo).
Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com