Sunday, May 25, 2014

Jacob Zuma oo mar kale loo dhaariyay Madaxweynaha K/ Afrika


JocabMadaxweynaha Konfur Afrika Jacob Zuma, ayaa mar labaad loo dhaariyay Kursiga, ka dib markii xisbigiisu ku guulaystay 60% Kursi doorashadii baarlamaaniga ahayd ee bishan horaanteedii ka dhacday dalka.




Xisbiga ANC ee uu madaxda ka yahay aqlabiyada Kuraasta Baarlamanka ka helay xisbiga kale ee Dimuquraadiga ah iyo midowga Asxaabta kale.




Taasi waxay u sahashay inuu mar kale ku soo laabto Madaxtinimada.




Xisbiga ANC ayaa waxa hogaamin jiray Madaxweynihii geeriyooday ee NELSON MANDELA .




Halkan ka Daawo  Jacob Zuma oo loo dhaarinayo Madaxweyne: