Hargeysa(GNA)-Shirguddoonka Shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga ayaa mar kale difaacay Sharciyada Liiska Guddida Fulinta iyo Golaha Dhexe ee Xisbigaasi ee ay Habeen hore shaaciyeen.
Shir jaraa’id oo ay ku qabteen Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland, ayaa waxay ku sheegeen inay Hogaanka Xisbigu fowdo kale wadaan , balse ay awood u leeyihiin shaacinta Golaha dhexe iyo Guddida fulinta Xisbiga.
“laga bilaabo maanta hawshii aanu wadnay ee Shir-guddoonka aanu ka ahayn waxaanu ku wareejinay hogaanka Xisbiga Kulmiye, Liisaskii iyo wixii aanu qabanay waanu wareejinay”sidaasi waxa yidhi Maxamed Muuse Abees oo xubin ka Guddoonka shirweynaha 3-aad.
Prof. Ismaaciil Muumin Aare ayaa Gobanimonews u sheegay “Xeerka Asxaabta siyaasadda waxa lagu sameeyay wax ka bedel, wuxuu dhigayaa in Guddida fulinta iyo Golaha dhexe ee Asxaabta ay awood u leeyihiin Shir-guddoonku”ayuu yidhi.
"Xeerkaa awooddaas na siinaya, markaa annagu idinka ayuunbaan shaqo idiin samaynaynaaye hanaga horimanina, Muusena waa Musharixii qarniga"ayuu hadalkiisa ku daray Ismaaciil Muumin Aare".
Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa si cad u diiday Liisaska ay shaaciyeen Shir-guddoonku, waxaanay ku tilmaameen Sharci daro.
Hogaanka ayaa sheegay inay si rasmiya ugu dhawaaqayaan Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee Xisbiga, xili aanay cayimin.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Ilo wareedyo wali waxa socda ergooyin isaga dab qaaday aqalka Madaxtooyada iyo hogaanka Xisbiga oo aad u kala fog.
Loolan cad oo aan waxba laysula hadhayn ayaa muuqda inuu ka dhex bilaamay xisbiga talada haya iyo Xukuumaddiisa.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com