Friday, May 30, 2014

TIRSIGA SHARCIGA AH EE GOLAHA FULINTA KULMIYE KUMA JIRO SIILAANYO IYO SAYLICI


Gudoomiyaha xisbiga kulmiye ayaa soo saarey tirsi ka kooban lix iyo soddon xubnood  oo  loo xuley gudida fulinta ee xisbiga Kulmiye ee rasmiga ah, isaga oo weliba mudeeyey  xilliga uu qabsoomayo shir weynaha xisbigu oo uu qoondeeyey 31 kow iyo soddonka juun. Halka tirsi aan sharci ahayn ay la cararayaan wasiirada siilaanyo. Waxa intaas dheer in gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muse Biixi Cabdi uu maanta u gudbiyey xeer ilaaliyaha guud ee qarranka tirsiga rasmiga ah ee gollaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, kuwaas oo ka kooban 246 xubnood  oo uu sheegey iney ka soo xuleen degmooyinka dalka. Tirsigan oo uu ku socodsiiyey xafiisyada    xeer ilaaliyaha guud,gudida diiwaan gelinta asxaabta qarranka, komishanka doorashooyinka qarranka iyo dhamaan xubnaha gollaha dhexe ee xisbiga. Geesta kale waxa jira ballan uu iclaamiyey xoghayaha xisbiga iyo koox wasiiro ah kuwaas oo sheegey iney shirweynaha qabanayaan kowda juun.  Hadaba waxa is weydiin mudan Madax weyne Siilaanyo iyo Madax weyne ku xigeenkiisu  maxay ka yihiin Xisbiga dhexdiisa ? ma waxay ku doodayaan beri ayaanu gudoomiye iyo gudoomiye ku xigeen ka ahayn ? mise waxay leeyihiin waxaanu nahay aasaasayaashii xisbiga oo ma dhacayno ee halkaas ayuun baanu soo taagnaaneyna ? maanta Siilaanyo waxan u sheegeyaa in aaney qarjajac dambe soconeyn xisbigana adiga iyo ku xigeenkaagaba waa laga saarey gudidii fulinta ee xaqiiqadaasi haydin gasho , ma qori ayaa leydinku hayey markii tallada xisbiga aad wareejineysey ? mise maanta ayaa damacii waalaa dib u soo gocatey.  Dhamaan gobboladii dalku waxay taageersan yihiin Muuse Biiixi . adiga iyo maamulkaaga waa la nacay. maanta waxa kula gudboon in aad billahaa kooban ee kuu hadhey fursadan aad haysatoo kale kuma soo mareysee aad iska sii tabaabusheysato oo wixii aad iibin karto bad iyo buur aad gacanta sii mariso, oo faraha aad kala baxdo xisbigani maamul ayuu leeyahay iyagaana sidey doonaan odhan kara, adiguna wax tallo ah oo aad ku leedahay ma jirro. Waxa kula gudboon in adiga iyo wasiiradaadu faraha kala baxdaan.waayo marka aan tixraacno tirsiga dhabta ah ee gudoomiyaha xisbigu soo saarey Siilaanyo iyo saylici midna kuma jirro xubnaha gudida fulinta ee xisbiga Kulmiye.




 




allaa mahad leh




 




WACAYS AXMED MAXAMUUD




BARRE ADDUUNYO




bareadunyo@gmail.com