Hargaysa (GNA) Wasiirul dawlaha nabaddaynta iyo horumarinta goboladda barriga Somaliland Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali-Sandule) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal ka soo yeedhay Wasiirkii hore ee hawlaha guud Axmed Cabdi Xaabsade.
Axmed Cabdi Xaabsade ayaa sheegay in uu qoomamaynayo soo xero gelintii Laascaanood iyo in aan laga tallo gelin masuuliyiinta ka soo jeeda beeshiisa hawlaha laga fulinayo gobolka Sool oo ay xukuumaddu isku koobtay.
Cali Sandulle ayaa hadalkan ku tilmaamay mid aan habboonayn in uu xilligan war noocaasi ah warbaahinta ka sheego Xaabsade.
Wasiir u dawlaha oo la hadlay Wargeyska Dawladda ayaa yidhi “Waan ka xumahay arrintaasi, Axmed na runtii waa nin oday ah, umana habboonayn inuu wakhtigan waxaasi warbaahinta ka sheego, sideedabana bani’aadamku waxbuu tirsanayaa, ninkasta oo wax tirsanayana in la xaliyo, oo hawshiisa wax laga qabto waa ta aynu ku dhisanahay, odaygu haddii uu waxooga tabanayo waxay ila tahay, waxay tabashadda lafteedu ka mid tahay hawlaha nabadaynta, in wax badan la eego”.
waxa kale oo uu sheegay in aanay beel ahaan la qabin arrintaa uu sheegay Xaabsade, isla markaana tabashadda uu sheegay ay beel ahaan la eegi doonaan, xukuumaduna ay la eegi doonto, “Markaa odaygu waxa uu tabanayana waanu la eegi doonaa, xukuumaduna way la eegi doontaa, wax se runtii hadda laga cawdaa ma jirto, ninka Somaliland ku tabcay ee meel hore wax geeyay, 23-kaa sanno eeay Somaliland jirtay waa lagu dhex jiray oo rag baa jiray hawsha, ragii wadayna ka mid buu ahaa, dadkiisii iyo dalkiisii ninkii ka dhigay Somaliand, waxay ahayd inuu dadkiisa nabad iyo amni helo, inta maqanina ay timaado, markaa aniga oo aan odayga dhaliilaynin waxa aan soo jeedin lahaa in la arko tabashada” ayuu yidhi Cali-sandule.
Isaga oo hadalkiisa sii watayna, waxa uu yidhi “Mana odhan karo inta ay beeshii isku tagtay ayay arrintaasi tidhi, anagu arrintaasi uu yidhi Xaabsade kulama socono, Kulamana socon doono, haddii aanu nahay siyaasiyiinta, odayaasha iyo waxgaradka beeshaasi”.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com