Thursday, May 29, 2014

Qof ku dhaawacmay Mudahraad ka dhacay Berbera iyo UCID iyo kulmiye oo Cambaareeyey


Magacyada laba Xildhibaan oo lagu xidh-xidhay Berbera iyo wararkii u dambeeyay…




BERBERAAAAAAAAABerbera(GNA)-Ciidamadda ammaanka ee Magaalada Berbera, ayaa rasaas kala hortegay dad ka Mudaharaaday xadhiga xubno ka mid ah Golaha Deegaanka ee Berbera iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil oo saaka arroornimadii xabsiga loo taxaabay.




Hal qof oo Dumar ah ayaa ku dhaawacantay Rasaas bilaysku ku rideen dad rayid ah,kuwaasoo isu soo bax sameeyey markii Masuuliyiintan la qabqabtay.




Muuna Caano-geel oo sida goob-joogeyaal noo xaqiijiyeen Haweenay dhalinyaro ah ayaa ku dhaawacantay rasaasta Bilaysku riday, taasoo la dhigay Cisbitaalka Guud ee Magaalada Berbera.




Xubnaha la xidh-xidhay ayaa maalmihii la soo dhaafay Magaalada Berbera ku qabtay kulamo lagu taageerayo Hogaanka Xisbiga Kulmiye ee Xukuumadda loolanku ka dhexeeyo.




Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID iyo masuuliyiin ka mid ah Garabka Muuse Biixi ee Xisbiga Kulmiye ayaa si kulul u cambaareeyey xadhiga saddex Xildhibaan iyo Masuulka kale ee ee Magaalada Berbera lagu xidhay, waxaanay dhinacyadani tilmaameen inay talaabadaasi cawaaqib xumo kale abuurayso.




Xoghayaha Guud ee Xisbiga Ucid iyo Guddoomiyaha Gobolka Saaxil ee xisbigaasi oo shir-jaraa’id ku qabtay xarunta dhexe ee Xisbiga kulmiye ku leeyahay Magaalada Hargeysa, ayaa sheegay inay xadhiga Xildhibaanada lagula kacay iyo rasaasta Shacbiga lagala hortegay ay masuuliyad daro weyn muujinayso.




Rooda Axmed-yaasiin oo ah Guddoomiyaha Xisbigaas ee Gobolka Saaxil  Xisbiga UCID oo shirkaa jaraa’id ka hadashay, ayaa ka digtay xiisad ka dhalata xaaladaha  isbed bedelaya ee ay xukuumadda talada haysa ku foogantahay iyo mushkilada ka taagan Magaalada Berbera.




Dhinaca kale, Xildhibaan Maxamed Faarax Qabille, oo ka mid Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si adag u cambaareeyey xiisada Xisbiga Kulmiye ka dhalatay ee ka aloosantay Magaalada Berbera.




Xildhibaanka oo la hadlay Taleefishanka Somsat, ayaa sheegay inay ayaan daro tahay in xukuumaddu xisbigeedii xidh-xidhi, isla markaana qas ka abuurto dalka.




Magacyada Xildhibaannada iyo Masuuliyiinta la xidh-xidhay




Daahir Aw-nuur




Rashiid Aw-xasan




Yuusuf Axmed Haladh-dhegoole.




Guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi oo ka hadlay




Dhinaca kalena , gudoomiyaha guud ee xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa saxaafadda u sheegay goor dhoweyd in xadhiga mas'uuliyiintaasi Berbera yahay sharci darro ka soo horjeeda dastoorka Somaliland, xeerka xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo xuquuqda xorriyadda hadalka.




Wuxuu Muuse Biixi sheegay in waxa keliya ee lagu xidhay saddxedaasi mas'uul ay tahay, iyagoo taageeray gudoomiyaha guud ee xisbiga Kulmiye, wuxuu intaasi ku daray in shalayba Berbera lagu qabtay munaasabad lagu taageerayo madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo, oo aan la is hortaagin .




La soco wixii ka soo kordha




Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com