Wednesday, May 28, 2014

Musharaxnimada M. Biixi oo Berbera laga taageeray iyo Masuul la xidhay


KulmiyeaasBerbera(GNA)- Maamulka Gobolka Saaxil, ayaa saaka ishortaagay Xaflad Maamulka Gobolka ee Xisbiga Kulmiye diyaariyay oo lagu taageeri lahaa Guddoomiyaha Xisbigaasi iyo garabkiisa xuukuumaddu loolanka kula jirto.




Goor sii horaysay ayaa xabsiga loo taxaabay Guddoomiyaha gobolka Halac Dhegoole, laakiinse waxa la sheegay in markii dambe la soo daayay.




Mareeg Gobolka laga leeyahay oo magaceeda la yidhaahdo Berbera today, ayaa ku warantay in Xadhiga gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil ayaa ka danbeeyay kadib markii saaka magaalada berbera ay gudoomiyaha iyo xubno tira badan oo isugu jira xildhibaano katirsan golaha deegaanka berbera oo xisbiga kulmiye kasoo baxay iyo bulsho kaloo badani ay qabanqaabiyeen Xaflad lagu taageeri lahaa Musharaxnimada Madaxweynenimo ee Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi taasi oo ku qabsoomi lahayd Hutelka Marwo Faadumo Siciid ee Batalaale Beach, halkaas oo Ciidamo tira badan oo Badhasaabka Gobolka saaxil soo diray ay gabi ahaan xaruntii xaflada lagu qaban lahaa qabsadeen gabi ahaana ay dadkii Xafladaasi kasoo qeyb galay iyo kuwii qabaqaabinayayna debeda uga sareen.




Xadhiga Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Saaxil Halac Dhegoole iyo xaflada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Lagu taageerayay ee la hor istaagay ayaa maanta Xiisad ka kicin gaadhay magaalada Berbera iyada oo shacab weynaha reer berbera oo aad utaageersan gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye ay arintan lagula kacay gudoomiye Halac Dhegoole iyo xaflada ay qabsanayeen ku tilmaamay arin aan la qaadan karin oo meel kadhac ku ah xuquuqda asaasiga ah ee muwaadinka.




Taageerayaal kale oo UCID ka tirsan




BelloXildhibaano iyo Taageerayaal Xisbiga Ucid ka tirsan ayaa taageeray Musharaxnimada Muuse Biixi ee Xisbiga talada haya, xili loolan siyaasaddeed lagu jiro.




Madaxweyne Siilaanyo iyo Guddoomiyaha Xisbiga xukuumiga ah ee Kulmiye ayaa u muuqda kuwo kala riixanaya Musharaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye ee shanta sanadood ee soo socda, taasoo abuurtay loolan kiciyey xiisad xisbiga laba garab u qaybisay.




labada dhinac oo garabka Madaxweynuhu inqilaabay garabka kale, ayaa u dhegtaagaya dhawaaqyada lagu kala taageerayo, taasoo u xoojinaysa yoolkooda.




Xildhibaano ka tirsan Golaha Deegaanka Berbera oo ka hadlay Munaasibad Xisbiga Ucid ku soo dhaweynayay Taageerayaal, ayaa dhamaadkii xafladdooda, ku qayliyay "Muuse Biixi waanu ku Taageersanahay Musharaxnimadiisa Kulmiye".




Halkan ka Daawo:








Gobanimonews




Berbera Office




Email: editor@gobanimonews.com