Monday, May 26, 2014

Robben: Manchester United Qorshahayga Kuma Jirto.

Laacibka baasha kooxda Bayern Munich, Arjen Robben ayaa meesha ka saaray inuu u wareegayo Manchester United xagaagan, waxaanu tilmaamay inaanay jirin sabab uu uga tago garoonka Allianz Arena. Ciyaaryahankan reer Holland ayaa la hadal hayay maalmahanba inuu ku biirayo United , dibna ula mataanoobayo tababarahihiisa Louis van Gaal.

“Manchester United? Taasi qorshaha iiguma jirto. Anigu waxaan sii joogayaa Bayern Munich.intii Mudo ah,”ayuu ku yidhi wargeyska De Telegraaf.

“Ma qiyaasi karin in Bayern Munich doonayso inay I iibiso aniga. Imika uun baan heshiiska u cusboonaysiiyey, labadayada dhinacbana waanu ku wada farax sanahay.Waa sheeko kale haddii suaashu tahay adigu maku faraxsan tahay sii joogista.

“Van Gaal iyo [Pep] Guardiola waa tababarayaashii ugu wanaagsanaa ee aan abid la shaqeeyo. Waxaan dareemayaa caafimaad qab buuxa , meel aan u socdaana ma jirto. Waa boqolkiiba eber fursada ah inaan ku biiro Manchester United.

“Waxaan u malaynayaa in United shaqo fiican qabatay markay magacawday Van Gaal.”