Friday, May 30, 2014

Qarax labaad oo Hargeysa ka dhacay Caawa


Qarax labaad ayaa ka dhacay Magaalada Hargeysa 24 saacadood gudahood.




Xalay ayaa Qarax loo isticmaalay wax loo malaynayo Bombo Shaani, lagu qarxiyay goob ku taala Xaafadda hindia line-ka.




Daryanka qarax kii xalay la mid ah ayaa goor dhaweyd laga maqlay inta badan daafaha Magaalada, kaasoo ay dadka qaar sheegeen inuu ka weynaa kii xalay.




Taliyaha Booliska Somaliland oo maanta ka hadlay wixii xalay qarxay ayaa sheegay inuu ahaa bombo shaani fariin uu ku tilmaamay, waxaanu ku hanjabay inay talaabo ka qaadi doonaan cid kasta oo ammaan daro ku kacda.




Faahfaahin dheeraad ah lagama hayo Qaraxan Caawa, waxaanu ka dhacay sida la sheegay meel ku toosan dhinaca Xaafadda Shacabka oo Xafiisyada dawladdu ku badan yihiin.




"waxaan joogay Xaafadda Xero-awr waxaan maqlayay wax qarxay oo xooggan"sidaas waxa gobanimonews u sheegay qof ku sugan Xaafadda Xero-awr.




Goobtii xalay Bombo shaanida lagu qarxiyay ayaan wax raad ah lagu arag markii la baadhay, taasoo dadka jahawareer iyo cabsi ku keentay




la soco wixii ka soo kordha..