Thursday, May 29, 2014

Siyaasi reer Burco ah oo Madaxweynaha ugu baaqay inuu faraha kala baxo Kulmiye


axmed cige




Burco(GNA)-Siyaasi Axmed Cige yare Maxamed  oo ka mid ah Aasaasayaashii Xisbiga Kulmiye ayaa maanta shir Jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Burco waxa uu kaga hadlay Khilaafka Kulmiye.




Waxaanu madaxwaynaha ugu baaqay inaanu Maqlin wasiirro aan iyaguba  taageero aan ka haysan deegaanaddooda, isagoo sidoo kale u  soo jeediyay inuu faraha looga qaado Hogaanka Xisbiga kulmiye,  




Axmed Cige isagoo Arimahaas ka hadlaya waxa uu yidhi''Anigu waxaan ahaa aasaasayaashi Xisbiga Kulmiye,waxaanan ka mid ahaa Afar iyo tobankii  Gudida Beelaha Bariga Burco markii xisbiga la Aasaasay todbadii raacday ee taageertay Xisbiga Kulmiye,kana mid noqday Golihii dexe ee xisbiga Kulmiye ee ugu horeeyay,waxaanan isku tiriyaa raga abaalka badan kulmiye ku lahaa,aragtidayda ishaynta xisbiga ayaan doonayaa inaan ka hadlo,Madaxwaynihii dalka Somaliland iyo Gudoomiyihii Xisbigaa la kala yahay,Muuse Biixi waxaa loo doortay inuu xisbiga hogaamiyo shanta sano ee socda inuu hogaamiyo,madaxwaynahana waxaa loo dooratay shan sano shantii sanona waxa yar baa u hadhay,waxaan leeyahay nin walba mansabkiisa ha lagu ixtiraamo,muuse dariiqiisii buu haystaa oo ku egyahay”.




Axmed isagoo hadalkiisii sii wata waxa uu yidhi “Madaxwayne wadanku waxa uu marayaa wax qabad fara badan,istiikarkaagu shan doolar buu marayaa oo lagu kal iibsanayay 18 kii may,waxaan ku leeyahay,waxaan kugula talinayaa inaanya ku lumin kooxo wasiiro ah oo aragtidoodu wasiirnimada tahay oo aan tageero ka haysan reerahooda iyo shacabka toona,yaanay wakhtiga kaa qaadin ee cagta u dhig,dadka siyaasada aad iskaga soo horjeedaa waxay odhan jireen madaxawyne Siilaanyo malaha Abaal siyaasadeedna ma laha aargoosi siyaasadedna ma laha,taasi way rumawday madaxwayne,waxaan ku leyahay dadkaas maanta aad is haysaan waa dadkii kuugu dhawaa.




madaxwaynaha dadka ku dhawi waxay ku shaqeeyaan oo wax ku yihiin sumcada madaxwaynaha,waxaan leeyahay dadka aan danaha dhaw lahayn ee is lahayn wasiirnimada ayaad waayaysaa ee ah salaadiinta,waxgardaka iyo guurtida  kuwaas maqal”ayuu intaasi ku daray.




Ugu danbayn Madaxwayne waxaan kuleeyahay ragii xisbiga kula aasasay waxa yar baa kaal jooga ragii kale halkee bay ku maqanyihiin bal is waydii.waxaanan taageerayaa dhexdhexaadintaas uu Gudoomiyiha Guurtidu wado.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




Email: axmedmm9@hotmail.com