Muqdisho(GNA)-Cabdikariin Xuseen Guleed oo ahaa Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa iscasilay caawa, saacaddo ka ddib weerar maanta lagu qaaday dhismaha baarlamanka Soomaaliya oo Al-shabaab fulisay.
Reysal-wasaaraha Dawladda Federaalka cabdiwali Sheikh Axmed Maxamed ayaa Ciidamada amaanka ka dalbaday inay jawaab cad ka bixiyaan weerrarada alshabaab ee faraha ka sii baxaya.
Dhaliilo badan ayaa dawladda looga soo jeedinayay bilihii u dambeeyay ammaanka Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo Shir jiraa’id ku qabtay Gurigiisa Magaalada Muqdisho, ayaa ku dhawaaqay in xilkaasi uu iska casilay. waxaa uu ku sheegay in sababta iscasilaaddiisa in Ammaankii dalka uu Habac ku yimid, isla markaana uu isku casilay in is-beddel la helo oo uu “Dariiqa u banneeyo” Dad Cusub, sida uu sheegay.
Wasiirka ayaa ka mid ahaa wasiirradii Xukuumaddii Saacid Shirdoon ka soo laabtay, waxaanay dadka siyaasadda ka faalloodaa aaminsanaayeen inuu ku fashilmay sugida ammaanka dalka,khaladna loogu soo daray Wasiirrada xukuumadda Cabdiwali sheikh afar bilood ka hor.
Xilka ayaa dib loogu magacaabay dhamaadkii Bishii January ee sanadkan.
Ku simaha Madaxweynaha
Ku-Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo ka hadlayey qaraxii ay kooxda Al-shabaab ku qaadeen Baarlamaanka ayaa jeediyay hadal aan wax badan ka duwaneyn dhawaaqa dhanka xukuumadda.
“Kooxahan nabad-diidka ah marnaba nagama leexinayaan hadafkeena ah inaan dalka gaarsiino horumar oo ah waxa ay diidan yihiin.”ayuu yidhi.
Saakay abaarihii 1130 ayaa baabuur walxaha qarxa ka buuxa isku qarxiyey afaafka Xarunta Baarlamaanka.
Ciidanka Soomaaliyeed ayaa ku guuleystay inay kooxahan ka hor-istaagaan kuna laayey goobta una u diiday inay geystaan khasaare weyn.
Ku-Simaha Madaxweynaha ayaa intaasi ku daray “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan qoysaska iyo ehelada intii ku geeriyootay falkan argagaxisada. Waxaana EEBBE uga baryayaa inuu janadii fardowsa ka waraabiyo. Sidoo kale inta dhaawaca ah waxaan EEBBE uga baryayaa inuu caafimaad waara siiyo.
“Hay’adaha amniga ayaa ku howlan qiimeynta khasaaraha dhabta ah, oo warbaahinta loo soo gudbin doono marka la soo dhameystiro qiimeyntan iyadoo faahfaahsan.
“Waxaan aad uga mahad-celinyaa sida geesinimada iyo deg-deg ah oo ay uga jawaabeen weerarka Ciidamadd Dowladda Soomaaliyeed iyo Ciidanka AMISOM. Waxaan qirayaa in Ciidanku waajibiisa si wanaasgan uga soo baxay.
“Kooxahan Argagaxisada ah ayaa caadeystay inay falal argagax ah ka sameeyaan goobaha dadka rayidku ku badan yahay. Iyagoo og in ammaanka xarunta Baarlamaanka uu aad u adag-yahay ayey si minitidnimo ah isagu qarxiyeen afaafka si ay adduunka ugu sheegaan inay weerareen baarlamaanka. Waddada Maka Al-Mukarama oo ah waddada ugu mashquulsan ayaa waxaa halkaas qasaare ka soo gaaray dad badan oo meesha marayey.”ayuu ku soo gunaanaday hadalka uu jeediyay Jawaari.
Dawladda Soomaaliya ayaan ilaa hada shaacin baaxada Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerrarkan.
Kooxda Al-shabaab ayaa markiiba sheegatay Masuuliyada weerrarkan.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegay inay ilaa saddex Xildhibaan ku dhaawacmeen, isla markaana askar lagu dilay halkaas.
Gobanimonews
Muqdisho Office
Email: editor@gobanimonews.com