Monday, May 26, 2014

Madaxweyne Siilaanyo waa u Taariikh Xumo Khilaafka Kulmiye!!


in badan bay bulshada Somaliland is weydiinaysay door intee leeg buu Madaxweyne Siilaanyo Ku Leeyahay khilaafka aan dhamaan ee Xisbiga Kulmiye.




 




Tan iyo markii hogaanka Xisbiga Kulmiye lagu wareejiyay Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa Xisbiga soo foodsaaray khilaaf soo jiitamay, kaas oo ay mar walba Xisbiga kula dhex jiraan Xubnaha ugu cadcad ee Golaha Wasiirada Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.




 




Haddaba waxa cadaatay in Madaxweyne Siilaanyo uu yahay shaqsiga koowaad ee ka dambeeya khilaafka Xisbiga Kulmiye waxaana cadaynta koowaad ka ah in aanay suuragal ahaateen in Golaha Wasiirada Xukuumadiisu aanay marwalba qalalaase ka dhex sameeyeen Xisbiga Kulmiye haddii aanu Madaxweyne Siilaanyo raali ka ahayn , tan




labaad ee sida cad u soo saartay inuu Madaxweyne Siilaanyo yahay shaqsiga mar walba soo is taadha islam markaana ka dambeeya khilaafka Xisbiga ayaa waxa caday u noqotay markii uu habeenkii Xalay sidii lagu yaqaanay uu Habeen badhkii soo saaray Warsaxaafadeed uu xilka kaga qaadayo Wasiirkii Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah Maxamed Cabdilaahi Cumar, taas oo loo sababaynayo taageerada uu Wasiirku u Muujiyay Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, isagoo noqday Wasiirka kaliya ee aan Guulwadayn ku shaqayn ee si cad u muujiyay inuu fikirkiisa u xor yahay isla markaana uu taageero buuxda siiyay Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.




 




Inta khiyaaliga iyo Guulwadaynta ku shaqaysata ee Oday Siilaanyo beenta u sheegta ayaa waxay Odayga dhegta ugu rideen in Wasiir Maxamed Cabdilaahi uu yahay shaqsi ka soo hor jeeda inuu Madaxweyne Siilaanyo musharax noqdo, islamarkaana uu Muuse Biixi ku taageerayo Musharaxnimada Xisbiga.




 




Waxase hubaal ah in Bulshada deegaanka uu Muuse Biixi ka soo jeedo siyaasi iyo shacaba ay taageero Mugleh u hayaan Musharaxnimada Gudoomiye Muuse Biixi, isla markana ay diyaar u yihiin inay ku garab istaagaan, Xilka qaadista Maxamed Cabdilaahi Cumar maaha mid wax u dhimaysa Musharaxnimada Muuse Biixi, waanau  Guul daro Madaxweyne Siilaanyo iyo  taariikh madaw oo uu kaga tagi doono Xisbiga Kulmiye haddii sidii sharafta badnayd ee uu Muuse Biixi u soo taageeray ee uu Kursiga ku saaray uu ugu taageeri waayo.




 




Khilaaf uu Madaxweynaha Iyo Golihiisa Wasiiradu ka dhex wadaan Xisbiga Kulmiye waxa sabab u ah damaca qorsoon ee uu Madaxweynuhu ku doonayo inuu sanadkii 15aad isu soo taago Musharaxnimada Xisbiga Kulmiye, taas oo ah riyo aan marnaba suuragal ahayn, ee Waa khiyaaliga ay ka dhaadhiciyeen Guulwadayaashiisu ay ugu horeeyaan Wasiirada riyada ku jira ee uu ugu horeeyo Guulwade Cukuse.




Mohamoud Osman




 




Hargeisa Somaliland




mccabdi86@gmail.com