Saturday, May 31, 2014

Khilaafka Kulmiye: 18 qof oo Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyey iyo Shirrar la hakiyay


Magacyada 11 maxbuus oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenkii hore, Shirarkii 31 May iyo 1june oo la hakiyay iyo Saleeban Gaal oo ka hadlay dhexdhexaadinta guurtida...




Waran cadde oo dadka la xidhay ku eeddeeyey qaraxyadii Hargeysa iyo Kulmiye oo jawaab adag ka bixiyo.Warbixin GNA




MandheeeraHargeysa(GNA)-Ciidamada Bilayska Somaliland ayaa 24-kii saacaddood ee la soo dhaafay Magaalada Hargeysa ka qabqabtay dad lagu eedeeyey inay ka mid yihiin Taageerayaasha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee loolanku ka dhexeeyo Xukuumadda, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 18 Nin oo isugu jira Dhalinyaro iyo Rag waaweyn oo qaarkood Muj. SNM ka mid ahaayeen.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka Somaliland, 18 qof ayaa Maanta loo taxaabay xabsiga Mandheera, saacaddo yar kaddib markii qabtay, iyadoo aan wax Maxkamad ah la horgeyn, xukunna ku dhicin.




Dadka la qabqabtay ee xabsiga Mandheera loo dhaaciyay waxa ka mid ah Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo saddex Nin oo lala soo qabtay oo midkood dhaawac halis ah qabo.




Sidoo kale, waxa ku jira dad lagu xidhay sawirrada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ku dhejiyeen Gawaadhi ay wateen, kuwaasoo Istiikaro lagu daabacay qoraallo lagu taageerayo Guddoomiyaha sitay.




Xukuumadda oo ku eeddeysay Qaraxyadii  Hargeysa ka dhacay




Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlay xadhiga dadka la qabqabtay, ayaa ku eeddeeyey laba qarax loo addeegsaday walxo gacan ku samays ah oo labadii habeen ee la soo dhaafay lagu qarxiyay goobo Magaalada ka mid ah.




Wasiir Waran-cadde ayaa qaraxyadaas ku xidhiidhiyey khilaafka Xisbiga talada haya ee Kulmiye




"Waxaad la socotaan in laba habeen uu ka dhacay ama ladhigay Magaalada meelo gooni ah bahashan layidhaahdo shaanida oo runtii sababteedu ay tahay in caruurta iyo Maatida hurdada lagaga khalkhal galiyo oo runtii Xalay iyo habeen horeba ka dhacday Magaalada oo xalayn meel ku dhaw wasaarada Ganacsiga,habeen horena Hindiya Line-ka ahayd.




 “Arintaasi oo sida aad ka wada warqabtaan waxaa ay bilaaban tay markii khilaafka KULMIYE soo shaac baxay,waxaana aad layaab u leh in rag waaweyn oo mudakara in khilaafkii maamul ee u dhaxeeyey KULMIYE dhexdiisa in ay gaadho ama loo isticmaalo ama raga qaarkii ay ku fakeraan in raga qaarkii ay nabad galyada qarankan ay isku dayaan”ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Waran Cadde




Waran cadde oo sii hadlay ayaa ku hanjabay “cid kasta oo isku dayda ama cadaw gudaha ah ha ahaado ama mid dibada ahba ee in aanay u suurta galin in hantida umadan haysato ee ah Nabada la khalkhal galiyo,makraa in rag noocaas ahi ay isku dayaan wax yaabahaa sidaasi oo kale ah iyaga oo aan u tudhayn umadooda iyaga oo aan u tudhayn qarankooda iyaga oo aan u tudhayn naftooda in ay sameeyaan.Markaa runtii waxaanu ka hawl galnay cidii ka danbaysay ilaa xalayto qarax yadaa,waxaana ay cidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen Rag dhawra oo loo tuhunsan yahay qaar kalena waa lagu daba jiraa,waxaana ay wajihi doonaan hadii ALLEH yidhaahdo Cadaalada iyaga iyo cida ka danbaysaaba”ayuu yidhi.




Kulmiye oo ka jawaabay eeddeynta Mawaadiniinta xidhan




Sida lagu sheegay War ka soo baxay Xisbiga Kulmiye garabkiisa hogaanka , eeddeynta loo jeediyay dadka xidh xidhan, ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay xisbigu, iyagoo dhanka kalena cambaareeyey xadhiga mawaadiniintaas xisbiga Taageersanaa iyo xubnaha kale ee Masuuliyiinta ah.




Xisbiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga ku-xigeenkii hore ee amniga iyo qaabka uu u dhacay hawl-galkii lagu qabtay.




“Waxaannu ka xunnahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe  loo weeraray Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga  Cabdillaahi Abbokor.




Waxa kale oo aannu ka xunnahay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in KULMIYE ka danbeeyey, waxaannu Marwalba dhiirri-gelinaynaa amniga iyo xasilloonida dalka, waxaannu leenahay cid alla ciddii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa.




Waxaannu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan  nabaddooda, wada-jirkooda iyo xasilloonidooda. ALLAH MAHAD LEH.”ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Xisbiga.




Hase ahaatee wasiirka arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo ka hadlay xadhiga masuulkan hore, ayaa sheegay inay dhacday arrin aan ku talo gal ahayn oo ka dhalatay talaabadii uu qaaday markii gurigiisa loogu tegay.




Waran-cadde ayaa sheegay in Cabdilaahi Abokor iska caabin kala horyimi yeedhmo Hay’addaha baadhistu su’aalo ku waydiinayeen, taasoo laga dheehanayo inaanu xogogaal u ahayn soo qabashadiisa oo ay fuliyeen ciidanka RRU-da iyo SPU-du abaarro labadii habeenimo.




Waxaanu yidhi “Anoo aad iyo aad uga xun wasiir ku xigeen kaygii hore ee Amniga oo runtii aanu muddo wada shaqaynay oo aan layaabay sida ay wax uga dhaceen oo runtii ku kacay arimo khalkhal galin kara nabad galyada iyo sumcada qarankan Somaliland oo aynu wada ogsoonahay halka aynu ka taaganahay horumarkeena iyo wanaaga aynu ku wadno in hadalo tashuush iyo sumcad xumo galin kara maaha uun qof laakiin qaranka guud ahaanba in ay ka dhacday Wasiir ku xigeenkaygii hore sidaa awgeedna la damcay in wax laga waydiiyo  wax laga waydiiyo waxaa uu dunida u bandhigay,hase yeeshee markii la isyidhi wax ka qorana uu kala horyimi iska caabi hubaysan oo runtii naftiisa iyo nafta ciidamada Amnigaba uu khatar ku galiyey dee markaa waxaa aynu ognahay qaran ayaa aynu nahay sharcigana nin ka wayni ma jiro,waxii khalkhal galinaya amnigana ciidamadu waxaa ay awood u leeyihiin in ay gacan adag ku qabtaan waxii khal khal wada si loo badbaadiyo nabad galyada iyo jiritaanka qaranka kan.




sidaa awgeedna xalay intas ayaa dhacday ragii kale ee hadhayna waanu ku daba jirnaa,waxaanan jecel nahay insha alaahu in aanu dhakhso aanu gacanta ugu dhigno”ayuu hadalkiisa raaciyay




Shirkii 31 May iyo 1 June ee laga walaacsanaa oo la hakiyey




Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa hakiyay shirka Golaha dhexe ee garabkoodu soo dhisay u qorsheeyey 31 May oo ku beegan Sabtida soo socota.




Talaabadan ayaa ka dambeysay  baaq u uga yimi Guddida Guurtida  ee dhexdhexaadinaya labada garab ee xisbigu u kala jabay.




Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maalintii Isniinta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta dhexe ee xisbiga ayaa ku wargeliyay xubnaha Golaha dhexe ee shalay la magacaabay inay Maalinta sabtida ee 31 isugu yimaadaan shirkooda koowaad si ay u doortaan hogaan cusub.




Shirkan ayaa garabka hogaanka xisbigu ku shiiqinayeen, mid kale oo ay xukuumaddu doonaysay inay qabato Maalinta Axadda, kaasoo laysugu yeedhay Golihii dhexe ee ay Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqday.




War ka soo baxay Xarunta dhexe  ee xisbiga, ayaa lagu sheegay inay shirkaas u hakiyeen codsi uga yimi Guddida dhexdhexaadinta, kaasoo dhinaca kale lagu bayaamiyay dhaleecayn xisbigu ka soo jeediyay xadhiga Taageerayaal labadii maalmood ee la soo dhaafay dawladdu xidhay.




 “REF: XK/XGX/004121/2014                                                                           Date: 30/05/2014. Ujeeddo: Jawaaab-celin baaqii Guddiga Golaha Guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga KULMIYE.




Anagoo ka jawaabayna baaqii Guddiga dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida, waxaannu halkan ku caddaynaynaa inaannu aqbalnay baaqaas,  isla markaana aannu hakinnay shirkii Golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta Sabtida”ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Xisbiga.




Dhinaca kale, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo Khilaafka Xisbiga u dhuun daloolaa dhinaca Xukuumadda ayaa hakiyay Shirka kale ee ay u qorsheeyeen 1 June, kaasoo ay joojintiisa ka aqbaleen Guurtida dhex dhexaadinta wada.




Labadan shir ayaa ahaa kuwo iska soo horjeeda oo laga cabsi qabay inay xiisada Khilaafka sii huriyaan.




Waxa weeye kuwo la doonayey in loo qabto laba Golle dhexe oo xisbigu ku kala dhawaaqay ilaa Khamiistii la soo dhaafay, kuwaasoo ay kala hogaaminayaan guddiyo fulineed oo labada dhinac kala magacaabeen.




Magacyada qaar ka mid ah dadka la xidhan




1-Saleban usen salo




2-Mawliid Galbeedi




3-Cumar Cabdi Buushi




4-Muj Qureesh




5-Muj Xasan




6-Ahmed Qadha




7-Cumar Dharab




8- Cabdilaahi Abokor Cismaan (Wasiir ku-xigeenka hore)




9- Saleban Cumar Guuleed oo ah Ninka Dhawacu soo gaadhay




10- Ismaaciil Cumar Aw-cismaan




11-Cabdi Cumar Aw-cismaan




Dad kale oo ku xidhan Berbera




Dhinaca kale, tiro dad ah oo aan la xaqiijin ayaa arrimahan loogu xidhay Magaalada Berbera, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Saaxil Halac-dhegoole iyo laba xildhibaan oo Golaha deegaanka ka tirsan.




Inkasta oo Masuuliyiintaas la soo daayay maanta gelinkii hore, hadana waxa wararku intaasi ku darayaan inay jiraan dad dhalinyaro ah oo wali xabsiga ku sii jiraa.




Xubnaha Xisbiga ee la soo daayay, ayaa lagu amray inaanay ka bixin Magalada Berbera, taasoo lagu xadidayo dhaqdhaqaaqooda.




Loolan laba u dhexeeya oo Laba Milyan saameeyey




siilaanyo iyo muuseSi kastaba ha ahaatee xiisada ka taagan Khilaafka Xisbul xaakimka Somaliland oo salka ku haysa loolan Madaxweyne Siilaanyo ku difaacanayo Kursiga Madaxweynaha ee uu ku fadhiyo oo uu Guddoomiyaha Xisbigu sheegay inuu isu sharaxayo.




Loolankan oo marka la eego miisaan ahaan iyo saameynta nabad-gelyo ee uu keenay ay kala culusyihiin, ayaan wali labada dhan midkoodna tanaasul la iman, jirina meel dhexe oo laysugu yimaado oo heshiis lagu geli karaa.




Guddida dhexdhexaadinta ah oo war cusub sheegay




Guddida Guurtida ah ee dhexdhexaadinaysa ayaa haatan ku guulaystay inay xabad joojin dhex dhigaan labada dhan, oo ay ka baajiyaan Shirarkii weerarka iyo weerar celiska ahaa ee maalmahan socday.




Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo hogaaminaya Guddida ayaa sheegay inay labada dhinacba ku qanciyeen in xaalada la soo dabaalo, lana joojiyo shirarkii xaasaasiyada laga qabay.




Saleeban Maxamuud Aadan ayaa BBC-da u sheegay “Madaxweynaha iyo dhinaca kaleba waanu ka wada hadalnay arimahan, waanan is aragnay madaxweynaha, berina waanu la balansanahay, waxaanan rajeynayaa in afgarad lagu dhameeyo hawsha”ayuu yidhi.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com